Published:

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in ay si gaar ah ugu dabaal dagi doonaan munaasibada xuska maalinta qaran ee 18 May.

Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, ayaa waxaa ay shaaciyeen in aanay tagi doonin fagaaraha uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi kaga qayb galayo munaasibada xuska maalinta qaran ee 18-ka May.

“Waxan aanu ka hadlayno ee aanu ka cabanayno, ee dhalinyaradu usoo baxayso, ee dadku hadal hayaan, ee mucaaradku diidanyihiin waxa weeyaan, madaxweyne 5 tiisii sanno dhamaatay, oo doonaya in uu sii fadhiyo, haduu na ixtiraami waayay oo uu na arki waayay anaguna halkuu joogo ugu tagi mayno, 18 May gaar baanu u qabsanaynaa”. ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sidoo kale, Gudddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sheegay in madaxweyne Biixi uu doonayo in uu baabiiyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, waxaanu sheegay in aanu ogolaanayn in la qabto doorashada ururrada siyaasada.

“In aan aniga iyo Cabdiraxmaan labadayada baabiisid, oo tidhaa waan baabiinayaa ana waan joogayaa kuu suuragali mayso, Ina Koore-na waxaan leeyahay, urrurada aad sheegaysid Hargaysa iyo halkaan joogo ka dhici mayse …18 May waxaanu u saaraynaa guddi gaar ah” ayuu yidhi Faysal.

Xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa marar kala duwan si kala gaar ugu dabaal dagay munaasibada 18 May xurgufo ka dhexeeyay awgood.

News Related