Gabileynewsonline.com
Gabiley: Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Furay Tababar Ku Saabsan Barashadda Dastuurka
June 7, 2022 - Written by admin

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa magaaladda Gabiley ka furay tababar ku saabsan barashadda Dastuurka iyo Waddaniyada.


Waxaana munaasibadii furitaanka oo ka dhacday Maktabada Qaranka Gebilay, ka soo qayb galay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, ee Gabiley, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley, xoghayaha dawlada hoose ee Gabiley iyo masuuliyiin kale.
Tababarka oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa waxa iska kaashaday hirgelintiisa dawlada hoose ee magaaladda Gabiley iyo wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland.

Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay tababarkaasi uu qayb ka yahay Barnaamijka barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda oo ay muddooyinkan ba waday wasaaradiisu.

DAAWO: Khudbadii Wasiirka Ee Furitaanka Tababarkaasi:

COMMENTS
Latest News