Published:

): Madax dhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka beelaha Koonfurta Hargaysa ayaa ka hadlay mudaharaadkii ay dhawaan ku baaqeen xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland in ay ka dhigayaan caasimadda Hargaysa.
Xubnahani oo isugu jiray madax dhaqameed, waayeel, odayaal, iyo waxgaradka beelaha Koonfurta Hargaysa, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxay si weyn uga soo hor jeesteen mudaharaadyadda ay ku baaqayaan xisbiyadda mucaaradku.
Waxaanay u soo jeediyeen hogaanka xisbiyadda mucaaradka ah in ay ka waan-toobaan hadaladda ay da’yarta dugsiyadda ku jirta ugu baaqaan mudaharaadyo siyaasadaysan.
Madax dhaqameedkaasi iyo waxgaradkaasi ayaa Carrabka ku adkeeyay in aanay aqbali Karin wax kastoo wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida dalkan Somaliland gaar ahaana caasimadda Hargaysa.
Waxaanay xisbiyadda mucaaradka ah ku booriyeen in ay u hogaansamaan shuruucda iyo xeerarka dalka gaar ahaana kuwa arrimaha doorashooyinka, halka aya madaxweyne Biixi, ku tilmaameen inuu ku taagan yahay shuruucda dalka u degsan.
Caaqil Ibraahim Cismaan, oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani ugu baaqay in aanay Haadaan iska tuurin.

Sidoo kale Caaqil Gaashaan Ibraahim Axmed, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ku dhaliilay hogaanka xisbiyadda mucaaradka ah in ay carruurtoodii gaysteen wadamadda dibadda, halka carruurtii dalkana ay ugu baaqayaan in ay Rasaasta Laabta u dhigtaan.
Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Caaqil C/qaadir Jaamac Cawaale, oo mucaaradka ugu baaqay in aanay dhalinyaradda ku dhiiri gelinin mudaharaadyo iyo waxyaabo amniga khal-khal gelin kara.
Geesta kale xubnihii shirkaasi jaraa’id ka hadlay oo isugu jiray madax dhaqameed, odayaal, waxgarad, iyo mujaahidiin waxaa ka mid ahaa Caaqil Ciise Cabdi Yuusuf, Caaqil Cabdi Jaamac Cawaale, iyo mujaahid Yuusuf Colaad Seed (Ma-laabato).

News Related