Published:

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Lizzie Walker, oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa.


Kulankan dhex maray guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland iyo Wakiilka dawladda UK u fadhiya Somaliland ayaa lagaga wadahadlay arrimo ku saabsan xidhiidhka wada shaqayneed ee xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargaysa iyo golaha Wakiillada Somaliland.
Waxyaabaha ay labadda dhinaca kulankaasi iskula soo qaadeen waxa kaloo ka mid ahaa arrimaha doorashooyinka la filayo in ay sanadkan dabayaaqadiisa Somaliland ka dhacaan iyo sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka taagan.


Geesta kale kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa la taliyaha xidhiidhka caalamiga ah ee golaha Wakiilada Somaliland Xasan Xiis, iyo Maxamed Khadar, oo ah madaxa siyaasadda iyo wada xidhiidhka ee xafiiska Ingiriiska ee magaalada Hargeysa.

News Related