Published:

– Soomaaliya, ayaa waxaa ay iska fogeysay eedaymihii ay dowladda Somaliland u jeedisay, taas oo oo la xidhiidha in Soomaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba.

Wasiirka diinta iyo awqaafta ee Soomaaliya Cumar Cali Rooble oo eedayntaasi ka jawaabayay, ayaa sheegay in arrinta Xajka aan la siyaasadayn isla markaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo mamaul goballeed toona.

Waxaa uu sheegay in shirkaddaha ku guulaystay qaadista Xujeyda ay ku cadaadiyeen inay Somaliland ka qaadaan 800 oo xujey ah, balse wuxuu sheegay in Somaliland ay ka hor yimaadeen.

Geesta kale, Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay Soomaaliya ku eedeeysay in ay maleegtay qorshe ay ku dhintay tiradii ay reer Somaliland ku lahaayeen samiga xujayda, islamarkaana ay gebi ahaanba joojiyeen xujaydii reer Somaliland ee sannadkan gudan lahaa waajibaadka xajka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa Soomaaliya ku eedeeyay in ay is hortaagtay in reer Somaliland helaan saamigii ay xaqa u lahaayeen, waxaana uu sheegay in saamigii ay Somaliland ku lahayd xajka, la siiyay dadka reer Muqdisho, oo suuqa Bakaaraha lagu iibinayo, wuxuuna dowlada Sacuudiga ugu baqay in ay soo farageliso.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in talaabada Soomaaliya ay kaliftay in shacabka Somaliland ay xajka ka baaqdaan, tirada la siiyay oo aan u cuntamin awgeed “Taasi oo keentay in dhamaan shacabka Somaliland ee tiradoodu gaadhsiisantahay 4.5 milyan iyo dheeraadka, ay ka baaqdaan in ay sannadkan ka qaybgalaan guddashada rukniga 5aad ee diinta Islaamka ee ah xajka” .

Waxaa uu xukuumada Soomaaliya ku eedeeyay in ay mudoba u xusul duubaysay sidii ay u dhimi lahayd tirada xujayda ee reer Somaliland, taasi oo uu ku micneeyay ku takrifal ay Soomaaliya ku samaysay saamigii ay Somaliland lahayd.

News Related