Published:

): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ka guddoomay xubintoodda u metelaysa komishanka doorashooyinka cusub ee Somaliland.
Kadib markii Axadii todobaadkan ay xilalka iska casileen saddexdii xubnood ee u danbeeyay ee komishanka doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo afar ka mid ahaa ay hore xilalka uga tegeen.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweyne Biixi, ayaa xisbiga Waddani uga mahad-celinayay sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee komishinka Doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
WAR-SAXAAFADEED: 07/06/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 07/06/2022 uu Xisbiga Waddani ka guddoomay warqad summaddeedu yahay TIX/XIS/WAD/XDH/2885/2022, kuna taariikhaysan 07/06/2022, ujeeddadeeduna tahay: Magacaabista Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI.
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad-celinayaa Xisbiga WADDANI sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in Hay’adaha kale ee Qaranka ee xubnaha ku leh magacaabista Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan xubinta ama xubnahooda si loogu gudbo wajiga xiga.
ALLAA MAHAD LEH
Geesta kale soo magacaabista iyo shaacinta xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa gebo gebo ku dhaw, maadama oo kominshankii hore dhawaan is wada casileen.
Sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo aanu helnay ayaa sheegaya in masuulyiinta la filaayo inay noqdaan Kominshanka cusub ee doorashooyinka Somaliland waxay ku kala sheegeen magacyadoodda sidan:
1. Cabdicasiis Xirsi Warsame – Xisbiga Waddani
2. Mustafe Khayre – Xisbiga Kulmiye
3. Ibraahim Macalim – Xisbiga UCID
4. Faadumo Quule
5. Cabdifataax Ismaciil
6. Maxamed Jaamac
7. ___
Xubinta todobaad oo ka iman doonta dhinaca golaha Guurtidda ilaa hada weli si rasmi ah xogtiisa iyo magaciisa looma ogaanin, waxaana suurto gal ah in laba qof midkood yimaado.
Kuwaasoo kala ah:
– In xubintii hore ee iscasishay dib u soo noqoto.
– In la soo magacaabo siyaasi Cali Buureed.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

News Related