|
|||||
Gabileynewsonline.com
Weftiga MBC Oo Kulan La Yeeshay Madax-Shaqameedka Gobolka Sanaag
June 13, 2022 - Written by adminMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay magaalada Ceerigaabo, ayaa caawa kulamo la qaatay salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Sanaag. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada ee weftigu deggen yahay, ayey weftiga madaxweynuhu ku xogwaraysteen waxgaradka gobolka, kuwaas oo si qoto dheer uga warramay horumarka gobolka iyo meelaha sida gaarka ah ugu baahan in xukuumaddu wax ka qabato. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo kulanka ka hadlay, ayaa waayeelka iyo waxgaradka gobolka Sanaag ku bogaadiyey midnimada iyo isku duubnida dhexdooda ka muuqata, waxana uu kula dardaarmay inay xukuumadda kala shaqeeyaan amniga iyo horumarka ay xukuumaddu ku hawllan tahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bulsho weynta reer Sanaag ugaga mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftiga culus ee uu hoggaaminayo, waxana uu hoosta ka xariiqay inuu gobolka u yimi sidii loo dhammayn lahaa hawlo qaran oo muhiimad weyn leh.
Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa shacabka reer Sanaag uga xogwarramay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sheegay inay Somaliland ka jirto nabad iyo horumar buuxa, reer Sanaagna looga baahan yahay inay xoojiyaan midnimadooda, danta gobolkooda iyo midda qarankana qaybtooda ka qaataan.
COMMENTS
|
Latest News
|