Published:

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waaberi C/rasaaq Ataash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayay ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Gabiley.


Weftiga guddoomiyaha ururka Waaberi iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa markii ay gaadheen afaafka bari ee magaaladda Gabiley waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshadda.


C/rasaaq Ataash, guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waaberi, iyo weftigiisa oo ka kicitimay magaaladda Hargaysa ayaa intii ay ku sugnaayeen Gabiley waxay xadhiga ka jareen xafiiska ururku uu ku yeelan doono magaaladda Gabiley.
Guddoomiye Ataash, oo meel fagaare ah kala hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

dhaweeyeen.

Waxaanu C/rasaaq Ataash, ka hadlay waxyaabaha u qorshaysan ururkiisa haddii uu ku guulaysto tartanka ururada.
Isagoona u balan qaaday dadweynaha gobolka Gabiley in haddii uu ururkiisu u gudbo heer xisbi inuu ka shaqayn doono sidii goleyaaaha sharci dejinta looga ansixin lahaa gobolnimadda Gabiley.

DAAWO: Soo Dhawayntii Weftiga Ataash:

News Related