Published:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo muddooyinkanba safarro shaqo ku marayey qaar kamid ah gobollada bariga dalka, ayaa maanta soo dhaweyn ballaadhan oo aan kala hadh lahayn loogu sameeyey magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Kumannaan iyo kumannaan kamid ah shacabka reer Caynaba oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka iyo midka degmada, cuqaasha iyo madax-dhaqameedka deegaanka oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, islamarkaana safaf dhaadheer ku jira, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabilay jihada Galbeed ee magaalada Caynaba.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ay hareerihiisa socdaan fardo soo dhaweyntiisa ka qayb qaadanayey, ayaa socod lug ah la qaatay dadweyne tiro badan oo soo dhaweyntiisa u taagnaa hareeraha waddada weyn ee halbawlaha ah, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.

Goordhaw la soco qaybaha kale ee soo dhawaynta iyo Mashaariicda kale ee madaxweynuhu Furay;

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo lagu soo Dhaweeyey Gobolka Saraar

News Related