|
|||||
Gabileynewsonline.com
Madaxweynaha Jsl Oo Shir-guddoomiyey Shirka Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye Iyo Qodobada Kasoo Baxay!
November 19, 2022 - Written by adminDhawaaqyadii sharciyadda iyo qarannimada baalmarsanaa ee dhawaan kasoo yeeshey hoggaanka axsaabta mucaaridka, ayaa sidoo kale kulanka lagaga wada hadlay, iyada oo la gorfeeyey aragtida xisbi ahaan ay ka qabaan sidii loo wajahi lahaa tallaabooyinka qaanuunka baalmarsan ee ay mucaaridku qaadeen. Qodobbadii kasoo baxay shirka guddida fulinta, ayaa markii uu shirku soo dhammaaday waxa saxaafadda u akhriyey xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Xisbigu waxa uu hadalkii kasoo yeedhay axsaabta mucaaridka ah ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo qaranjebin ku ah dalka, sidaa darteedna aanay xuquuq sharci ku lahayn qaranka.” Xoghayuhu isaga oo sii sharraxaya qodobbada shirka kasoo baxay waxa uu intaas kusii daray,“Xisbigu waxa uu madaxweynaha qaranka, ahna guddoomiyaha KULMIYE ku ammaanay ilaalinta iyo dhawrista Dastuurka iyo xeerarka ka dhambalma, waxana ay usoo jeediyeen madaxweynaha inuu dulqaad muujiyo sidii uu horeba ugu sifaysnaa, hase yeeshee aanu dulqaadkiisu noqon mid shuruucda dalka wax u dhimaya,” ayuu yidhi xoghaye Faysal Cabdiraxmaan Madar. Wa-bilaahi Tawfiiq
COMMENTS
|
Latest News
|