Published:

Hablihii hore qaar ayaa 100 halaad iyo faras iyo bundiqii yarad looga bixin jiray. Heerka ugu sareeya kuwaas ayaa ahaan jiray. Heerka ugu hooseeya waxa la odhan jiray heerin oo yaradba lagama bixin jirin. Heerkaa haday ka degto way guur seegtay ama suuqa ayay gashay. Waa ka abwaan Hadraawi AHN eh xaaladii Somalia siday ahayd arimihii uu ku sifeeyay ay jireen tuducyadani:

INTAAN GABADH HEERIN

KA SII DEGIN HEERKA

HADEER LA YAQAANO

Somaliland haday beri qaali ahayd waa halka ay ku socoto. Waxan ka baqayaa hadii aan sidan wax laga bedelin in iyadoo heerin ah ay Muqdisho bilaash ku hesho ilaahay kama dhigo eh talo xumada maanta ka jirta awgeed. Waxay u baahan tahay isbedel dhakhso ah. Hadii Muuse is-hortaago wax kasta oo xal u noqon kara khilaafka siyaasadda ama jeclaada ama ha jeclaanina way gaadhi heerka hadii inta ay goori goor tahay aan la helin doorashooyin heshiis lagu yahay. Waayo waxa halis ku jirta midnimadii, wadajirkii, iyo waxwada lahaanshihii ummadda.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Ayaa Sidaasi Qoray.

News Related