Gabileynewsonline.com
Ciidamada Itoobiya Oo Lagu Eedeeyay Inay Xasuuqeen Maxaabiis Tiro Badan Oo Tigrey Ah.
December 6, 2022 - Written by admin

maxaabiis dagaal oo ka masuul ahayd geerida, saraakiil ciidan oo laga laayey bulshada deegaankaas.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in askarta la laayey, inaanu midkoodna ka qaybgelin dagaalada looga soo horjeeday ciidamada Itoobiya.

Weeraradan ayaa dhacay xilli ciidamada Tigreegu ay ku sii siqayeen caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Maxaabiista sheekada lagu wareystay ayaa ku qiyaasey in weerarrada ay ka dhasheen cabsi ama rabitaan aargoosi.

Meydadka 83-ka qof ee Tigrayga ah ayaa lagu aasay xabaal wadareed ka baxsan xerada xabsiga, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

“Waxa la isu dulsaaray sidii qoryo oo kale,” ayuu yidhi mid ka goobjoogayaashu.

Wargeyska ayaa sheegay inay waraysteen in ka badan labaataneeyo qof oo ay ku jiraan qaar ka mida maxaabiista, shaqaale caafimaad, saraakiil ciidan iyo qaraabo ka soo jeeda deegaanka, ka hor intii aan warbixintan la daabicin maalintii Isniinta.

COMMENTS
Latest News