Published:

Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaadhaysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sanno ee soo socota.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.

Dalka Maraykanka waxaa gaadhay hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka u dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika,.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu furmo maanta oo salaasa ah, waxaana la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.

Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah.

Sidoo kale waxaa wadahadal laga yeelanayaa caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

News Related