Published:

Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdinasir Macalin Caydiid oo Geeriyooday iyo Madaxwayne Biixi oo Tacsi u diray.
TACSI MADAXWEYNE: 27/12/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhammbaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka, suugaanyahanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, Magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Itoobiya.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir adag oo ka baxay bahda fanka sidoo kalena uu ahaa mullaxamiiste, hoobal iyo kabanayste isla markaana si weyn looga yaqaanay geyiga, door muhiim ahna ka soo qaatay halgankii dibu xoraynta dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Cilmi Xasan (Shiine)
Agaasime Ku-xigeenka Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

News Related