Published:

labada geesoodka ah (S.3861), oo bishii March ay soo dejiyeen @SenatorRisch @ChrisVanHollen iyo @SenatorRounds, kuna biiray @SenatorWicker ka hor inta aanay Guddida Xidhiidhka Dibadda ee Guurtida u ansixin bishii June. Somaliland si aad ah ayay ugu mahadnaqayaan dhamaantood, gaar ahaana @SenatorRisch iyo hoggaanka uu muujiyey, inay bilaabeen dedaalkii lagu aqoonsanayo qiimaha Somaliland in ay Maraykanka u noqon karto saaxiib istiraatiijiya

3.Wax ka bedel uu sameeyay Rep. Chris Smith oo lagu daray Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka oo aqlabiyaduhu ogolaadeen. Waxaan si mug leh ugu mahadcelinaynaa hoggaaminta mudada dheer ee Rep. Smith muujiyey si loo hormariyo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland.

4.Dedaal guuleystay oo u sameeyay @RepVeasey, oo luuqadda warbixinta ku soo jeediyay hagitaankii Guddiga Aqalka Sare ee Adeegyada Qalabka Sida oo ku amraya @DeptofDefense in la sahamiyo meelaha uu ka dhalan karo iskaashiga amniga ee suurtagalka ah.

Maxaa xiga? Ka dib markii ay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka meel mariyeen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, waxa uu tegi doonaa miiska Madaxwaynaha Maraykanka si uu u saxeexo oo ay sharci u noqoto. Marka la saxeexo, Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka waxay noqon doontaa tixraaca koowaad ee Somaliland ee ka tirsan xeerka Maraykanka tan iyo intii aan xornimadeenii dib u soo ceshanay 1991-kii.

Muwaadiniinta reer Somaliland, oo badankoodu taageeran Maraykanka, saaxiibo iyo qoysasna ku leeyihiin Maraykanka, waxay muddo dheer sugayeen aqoonsi noocaas ah oo ay ka helaan Maraylanka. Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka wuxu si weyn u horumarinayaa iskaashiga Somaliland ee ay la leedahay Maraykanka. Maanta waxaynu dhignay taariikh lama ilaawaan ah oo baal dahab ah ka geli doona xasuusaha taariikhda galay.

News Related