Published:

Hogaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Ergo ka socota Dalka Norway oo kala ah, Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu.

Ugu horrayn, Ergada iyo Madaxda Mucaaradka ayaa kawada hadlay, sidii dib loogu bilaabi-lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, waxaanay Madaxda mucaaradku ay Ergada u sheegeen in aanay immika haboonayn in dib loo bilaabo, ilaa laga gudbayo khilaaf-yada gudaha ee ku saabsan Doorashooyinka, isla markaana ay qabsoomayso Doorashada Madaxtooyadu.

Madaxda Mucaaradka ayaa sidoo kale Ergadan siiyay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo mawqifkooda ku aaddan khilaafka cakiran ee ka jira Doorashooyinka.

Waxaanay intaasi ku dareen in Xukuumadda muddo xileedkeedii dhamaaday aanay ixtiraamayn sharciga oo ay samaysay sharci-jabin badan oo ay kamid tahay muddo kordhin aan sharci ahayn oo ay kororsatay.

News Related