Published:

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si adag uga hadlay dilalka soo noqnoqday ee ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo  tacsiyeeyey geerida ku timi marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo ay habeen hore dablay hubaysani ku dileen gudaha laascaanood iyo xubno kale oo maalintii shalay ku geeriyooday rabshado gudaha magaalada ka dhacay, waxana uu yidhi,“Waxan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyeynayaa Somaliland oo dhammina ka xun tahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood shalay iyo habeen hore. Shalay waxa buuqii laascaanood inagaga dhintay saddex qof, waxana inaga dhaawacmay Sagaal, waana mushkilad naxdinteeda leh oo aynaan filayn, waana la qaybsanaynaa xanuunkii ay dadkaasi ka dhinteen, meel ay joogaanba, arrinaas soo noqnoqotay ee haldoorka laascaanood lagu beegsanayaana waa arrin u baahan in wada-jir isugu wada tagno ee helno halka ay ka socoto.”

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi Ayaa Tacsi u Direy Shacabkii Ku Geeriyoodey Laas-caanood.

News Related