Published:

Waxa aan baraha bulshada ku arkayey in kastamka Berbera oo laga dhaqan galiyey nidaam mudo dheer la soo waday oo casri ah oo yareynaya musuqa iyo lumista cashuurta in uu sababay shaqo joojin maalmo qaadatay.

Intii aan ka ogaa waxa aan filayaa in uu yahay nidaamka ay kastamada aduunku ku shaqeeyaan oo wata qaabab casri ah iyo documents cusub oo uu ka mid yahay ka loo yaqaano SAD ( single administrative document ) oo qofka ganacsadaha la siinayo si uu ugu soo qoro alaabta u taalla dabadeedna kastamku u cashuuro.

Hadii hadaba qalad ka yimaado waxa masuuliyada iyo waxii ka dhashaba qaadaya ganacsatada iyo dadka wax u soo cashuura halkii barigii hore maamulka kastamada iyo shaqaalaha lagula xisaabtami jirey.

Arinkaasi waxa uu noqday mid dhuunta u dhaafiwaayey ganacsatada oo ku qaba dano badan hababkii hore ee loo shaqeyn jirey oo maanta la dhaafay si loola jaan qaado nidaamka kastamada gobolka Geeska Africa iyo aduunkaba.

Laakiin waxa isweydiin leh jamhuuriyada Somaliland ma Berbera oo kaliya ayey wax ka soo gali karaan mise meel walba oo leh sadexda meelood ee dalka wax ka soo gali karaan ee kala ah ;

1- Cirka ( Airports )

2- Dhulka ( border customs)

3- Badda ( ports )

Ma jiraa qalab casri ah oo meelwalba yaalaa in ka badan 30 customs ah oo uu dalku leeyahay oo lagaga hawl gali karo nidaamkan casriga ah ?

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

 

News Related