|
|||||
Gabileynewsonline.com
Golaha Guurtidda Dalka Faransiiska Oo Ka Hadlay Heshiiska Iskaashi Ee Somaliland Iyo Maraykanka
February 5, 2023 - Written by adminGudoomiye-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga ee Aqalka Guurtida Faransiiska Md. Olivier Cadic ayaa sheegay inuu kulan kala yeeshay Safiirka Somaliland xeerkii Baarlamaanka Maraykanku ansixiyey. Qoraal kooban oo Gud-xigeenka Cadic bartiisa FB-ga shalay ku baahiyey oo u kaga hadlay kulanka dhexmaray Safiirka Somaliland Md. Cabdiraxmaan iyo ujeedadiisa ayaa u dhignaa sidan; “Waraysi aan xafiiskayga kula yeeshay Cabdiraxman Yassin Maxamed, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska ayaa ka wada hadalnay ansixinta xeerkii Congress-ka Maraykanka oo muujinaya muhimadda ay leedahay in la taageero dimuqraadiyadda Geeska Afrika. Sidoo kale Gudoomiye-xigeen Cadic ayaa ku sheegay bartiisa twitter inuu xidhiidhka laba geesoodka ka wada hadleen wadammo Somaliland ku jirto. Safiir Cabdiraxmaan oo bedelay Safiirkii hore JSL u fadhiyey dalka Faransiiska Md. Cali Xassan ayaa la saadaalinayaa inuu sii horumariyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska.
COMMENTS
|
Latest News
|