Gabileynewsonline.com
Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo Kulan La Qaatay Sedexda Xisbi Qaran Iyo Arimaha Ay Kala Hadleen
February 22, 2023 - Written by admin

Kominshanka doorashooyinka Somaliland ayaa saaka  kulan iskugu yeedhay saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Kominshanka ayaa Saddexda xisbi qaran ku war geliyey in  bilowga bishan Ramadaan oo ku began 22 bisha March ay dalka  bilaabi doonan qeybinta kaadhadhkii cod bixiyayaasha ee dhawaan diwaangalintoodu dalka ka dhacdey.

Kominshanka ayaa hore u sheegay inay doorashadii madaxtooyada ku qaban karaan muddo 9 bilood ah oo ka bilaabmaysay  bishii October ee sanadkii hore.

Saddexda xisbi qaran oo la kulmay Komishanka Doorashooyinka iyadoo Doorashada Madaxtooyada la sugayo

 

COMMENTS
Latest News