Published:

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali- waraabe ayaa sheegay in rabshadihii ka taagnaa magaalada Laascaanood ay isku beddeleen dagaal si fiican loo qorsheeyey oo ka dhan ah jiritaanka Qaranka Somaliland, isagoo ku baaqay in loo midoobo sidii loo difaaci lahaa qaranka Somaliland, waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu Twitter-kiisa uu ku faafiyey oo u dhignaa sidan;

“Rabshadaha Laascaanood ka taagnaa ee ka dhashay sidii axmaqnimada ahayd ee uu Muuse Biixi u waajahay mudaharaadyadii salmiga ahaa ee dadka rayidka ahi dhigayeen waxa ay isku beddeleen dagaalka si fiican loo qorsheeyey oo kagaga soo horjeedo jiritaanka Somaliland, kaas oo ay soo qaadayaan xulafadii iyo isbahaysiyadii

Digtaytarkii Maxamed Siyaad Barre. Waa waqtigii aan u midoobi lahayn sidii Somaliland looga badbaadin lahaa, loogana difaaci lahaa kooxaha isbahaystay,” ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

News Related