Gabileynewsonline.com
Shirkada Dp World Oo Faah Faahin Ka Bixisay Muhiimada Uu Somaliland Uleeyahay Aaga Cashuuraha Ka Caagan Ee Laga Furay Dekeda Berbera
March 3, 2023 - Written by admin

kaabayaal heer caalami ah oo ay ka mid yihiin badeecadaha waaweyn iyo kuwa jabsiga, awood u yeelashada shixnadaha dareeraha ah, iyo teerminaal casri ah oo konteenarada laga soo dejiyo. Waxay leedahay qoto dheer oo ah 17m, kaal 400m ah iyo sadex wiish oo STS  ah, kuwaas oo loo adeegsankaro maraakibta konteenarada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya. Waxa kale oo ay awood u leedahay in ay qabato 500,000  oo konteenar unit ah TEUs sannadkii. Teerminalka waxa kale oo ku jira barxad konteerada oo casri ah oo leh sideed wiishashka RTGs, ah iyo xarun xafiisyo adeeg leh.

Dekadda Berbera waa udub dhexaadka dhaqaalaha.  balaadhinta awgeed waxaa la filayaa in ay ganacsiga fududayso ku dhawaad 27 boqolkiiba GDP-ga Somaliland iyo 75 boqolkiiba ganacsiga gobolka marka la gaadho 2035. Aaga

Cashuuraha ka Caagani waxa  uu fududayn doonaa ganacsiga Somaliland iyo waliba guud ahaan Geeska Afrika. Tani waxay ka faa’iido u tahay dhinacyo kala duwan oo ka mid yihin dhoofiyayaasha, soo dejiyasha ,xoolaha, alaabada beeraha iyo waxyalaha  hore u xumaanaya, marmarada, iyo qalabka dhismaha.

COMMENTS
Latest News