Published:

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay weerarkii kooxaha huwantu ay ku soo qaadeen ciidanka JSL ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu ka xun yahay dagaalka kooxaha huwantu ay ku soo qaadeen ciidamada Qaranka Somaliland.

Qoraalka guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe uu ku baahiyay bartiisa Twiterka ayaa u dhigna sidan.

“Anigoo ka xun dagaalkii maanta ka dhacay magaalada laascaanood, waxa aan Hambalyaynayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee iska difaacay dagaalkii kooxaha Huwanta ahi kusoo qaadeen, waxaanan Garaadada ugu baaqayaa in ay nabada qaatan, wixii tabasho ahna miska wadahadalka lagu dhameeyo..

News Related