Published:

Madaxweyne Saylici Kulankii maanta galinkii danbe ku dhax maray wasaarada arimaha dibada Filand oo ahaa mid maqaamkeedu aad u sareeyo.

Madaxweynaha oo si qadarin leh uga war bixiyey arimaha dalka kana siiyey war wanaagsan xaalada dalka SOMALILAND

Madaxweynuhu Wuxuu u sheegey wada shaqaynta Filand & Somaliland iney tahay mid aad muhiim u ah

Madaxweynuhu wuxuu uga mahad naqay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey dalka Filand.

Marleena virkkunen team leader of Africa unit for the Horn of Africa .

waxay sheegtey inay ku faraxsan tahay la kulanka madaxweyne ku xigeenka JSL & waftigiisa uu hogaaminaayo’waxayna balan qaaday inay kala shaqayn doonto Somaliland maalgalinta‘caafimaad ka & mashaariicda horumarinta .

Xildhibaan Suleiman wuxuu si ilbaxnimo & aqooni ku jirto uga waramay taariikhda SOMALILAND’ wasaaraduna wey ku qanaday taariikhdaa wanaagsan ee uu war bixinta ku siiyey masuuliyiintii ka socotey wasaaarada arimaha dibada filand.

Xildhibaan Ali Hussein Begsi oo si wanaagsan ugu hadlay luuqada inglish taasina u ku sharaxay xiirka fiican ee ka dhaxeeya Somaliland & Filand.

Safiirada Somaliland u fadhida dalka Filand marwo samia oo shaqo wanaagsan qabatey imikana u ahaysa Somaliland waxayna mudan tahay in lagu abaalmariyo wax qabadkeeda wanaagsan.

Guntii & gabo gabadii waxaana lagu casuumay xubnihii ka tirsanaa Baarlamaanka Filand inay yimaadaan dalka Somaliland weyna aqbaleen casuumadaa:

By maxamed jeex
Helsinki Filand:

News Related