Published:

Ciidanka sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku hayaan oo su’aalo la weydiinayo Sufyaan Sheekh Axmed oo ay ku eedeeyeen ‘inuu waayadii dambe faafinayey afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo dawladnimada Soomaaliya’.

Ninkaas oo sidaasoo kale ay dadka qaar u yaqaanaan Taakeeye ayey NISA ku eedeysay inuu taageeray “Khawaarijta” oo ay ula jeedaan Al Shabaab.

Haddaba maxaan ka naqaan shaqsiyadda Sufyaan Sheekh Axmed?

Noloshiisa

Wuxuu sheegay inuu dalka gudahiisa wax ku bartay ka dibna qurbaha aaday. Dugsiga sare ayuu sheegay inuu mar kale ka galay Toronto, Canada.

Waxbarashadiisa jaamacadda ayuu sidoo kale sheegay inuu ku soo qaatay University of California, San Diego, iyo jaamacad ku taalla Spain, uuna soo bartay cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga.

Dadka yaqaanna waxay sheegaan inuu dhowrkii sano ee u dambeeyey ee uu degganaa Kenya isaga oo ku jiray ganacsi.

Sufyaan ayaan aad ugama hadlin noloshiisa gaarka ah.

Siyaabo kala duwan ayey dadku uga fal celiyeen soo qabashada Sufyaan Sheekh Axmed oo ay gacanta ku dhigtay hay’adda sirdoonka, ayadoo dadka qaar ay is weydiinayeen sida uu khatar ugu noqon karo amniga mar haddii uu ra’yigiisa ka hadlay, halka qaar kalena ay sheegayaan in talaabada dawladda Soomaaliya ay qaadday ay ku saxsan tahay.

Iminka hay’adda NISA waxay sheegtay in ay ku billowday baaritaano iyo waraysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran, laakinse lama sheegin muddada uu baaritaanku qaadan doono, halka lagu hayo Sufyaan iyo talaabada xigi doonta.

Sufyaan

XIGASHADA SAWIRKA,SUFYAAN / FACEBOOK

Dawladda federaalka iyo Al Shabaab

Sufyaan Taakeeye inta la ogyahay wuxuu dhowrkii sano ee u dambeeyey ku noolaa dalka Kenya, wuxuuse ka soo guuray Maraykanka oo sanooyin badan oo uu degganaa. Weli ma cadda sida ay dawladda Soomaaliya ugu suurto gashay inay ka soo qabato ninkaas dalka Kenya.

Waa nin aan hadalladiisa la gabban, wuxuuna marar kala duwan sheegay inuu hugaamiyo xisbi lagu magacaabo Talo-ku-nool, kaasoo aynaan xaqiijin karin jiritaankiisa iyo sharciyadda uu ku dhisan yahay.

Waraysiyo kala duwan oo uu warbaahinta siiyey ayuu ku tilmaamay dawladda federaalka Soomaaliya inay tahay dawlad aan waddanka u talin, oo dalka uu u taliyo Maraykanka, isagoo markaa ka jawaabayey sababta uu ugu yeeri waayey “dawlad”.

Wuxuu iska fogeeyey inuu xiriir la leeyahay ama taageero Al Shabaab, laakin waraysi kale oo uu siiyey warbaahinta maxalliga ah ayuu ku sheegay in ay tahay ‘kufaar’ dadka raacsanna ay yihiin ‘gaalo’.

Sufyaan

XIGASHADA SAWIRKA,SUFYAAN / FACEBOOK

Calanka Soomaaliya

Sufyaan oo hore u sheegay inuu ku hadlo dhowr luqadood oo Ingiriiska iyo Isbaanishku ka mid yihiin, wuxuu kaloo aad uga soo hor jeedaa naqshadda calanka Soomaaliya oo uu sheegay in xisbigiisa uu beddeli doono haddii ay u suurto gasho.

Wuxuu aaminsan yahay in calanka la sameeyey 1936, oo samayntiisana aysan Soomaali shaqo ku lahayn. Wuxuu ku tilmaamay calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda kaga taallo “astaan shaydaan”.

Ujeeddada uu sidaa u leeyahay wuxuu ku macneeyey in markii hore ay Soomaalidu khaldantay, laakinse hadda ay tahay inay isa saxdo.

Wuxuu sidoo kale diiddan yahay heesta calanka ee ‘Qolaba Calankeeda’ oo uu tusaale u soo qaatay tuducyo heesta ku jira oo uu ku macneeyay kuwa aan sax ahayn.

Sufyaan

Afar xaasle

Wuxuu Sufyaan aad u soo caan baxay laba sano ka hor markii uu isku soo masawiray afar gabdhood oo uu sheegay inay afartaba yihiin xaasaskiisa.

Wuxuu aad u baraarujinayay tan iyo wakhtigaas in raggu ay guursadaan xaasas badan.

Wuxuu ballan qaaday in haddii Soomaaliya uu madaxweyne ka noqdo ee xisbigiisa uu waddanka maamulo, inuu dhiirri gelin doono guurka, weliba uu abaal marin doono ninka afarta xaas qaba, mar uu la hadlayey TVga STN.

Shareecada Islaamka ayaa oggol in raggu mar qura wada qabi karaan ilaa iyo afar xaas.

News Related