Published:

Cuqaal iyo Dhalinyarro ka soo jeeda beesha galbeedka Burco oo uu soo abaabulay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si indho la’aana u cambaareeyay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan xabsiga u taxaabtay nin sheegtay Suldaanimo oo la yidhaahdo Maxamed Muuse Cune oo ku dhawaaqay hadallo ka dhan ah qaranimadda Somaliland.

Cuqaashan iyo waxgaradkan ka soo jeeda beesha galbeedka Burco oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Burco ayaa waxa ay la safteen ninkan oo dhawaan dadweynaha ugu baaqay inaanay wax cashuur ah bixinin isla markaana aanay dalka ka jirin wax dawlad ahi.
Cuqaashan WADDANI soo abaabulay waxa ay ka hadleen hadallo xajiin leh oo ay bulshadda kala geynaya.

Maxamed Aadan Cabdilaahi oo ku hadlayay magaca cuqaasha beelaha Galbeedka Burco,oo ka hadlay shirkaas jaraa’id waxa uu yidhi “Aad ayaanu u cambaaraynaynaa xadhiga lagula kacay Suldaan Maxamed Muuse Cunne, waxaannu leenahay xadhiga Suldaanku waa sharci darro, mana geyo xadhiga. Dawladda Siilaanyo waxay la mid tahay tii aynu la soo dagaalanay ee Siyaad Barre oo kale. Waxa lagu xidhay xoriyatul qawlka oo aanay ogolayn.”

Xubnahan cuqaasha sheeganayay oo dhalinyarro ahaa waxa kale oo hadalladii ay shirkaasi jaraa’id ka yidhaahdeen ka mid ahaa. “Waxaanu leenahay cashuur ma bixinayno sannadkan maadaama oo uu dhammaaday wakhtigii xukuumaddu dambi ma aha.”

News Related