Published:

BaasheHaddii uu aadmigu nimcada Alle siiyo xejin waayo waxa looga yeedh yeedhaa meelo kale oo nimcadaa uu la kabaraadayo ama xejin kari la’ yahay aanu ka heli doonin.

Habeen hore waxa aan dhegaystay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ninka ciidamada amniga Somaliland u sarreeya, sida ay u kala horreeyaan Axmed Cadarre iyo Cabdillaahi Fadal, oo kelyaha ka boodaya, qawlladana ka xunbaynaya, oo hanjabaya.

Xaggee lagu arkay booliis olole siyaasadeed hor boodaya oo guulwadaynaya. Bal nasladdan eega! Kaaga sii darane xaggee adduunka lagu arkay badhasaab u hanjabaya oo leh waan ku xidhayaa guddoomiyihii barlamaanka qaranka! Xaggee se lagu arkay guddoomiye sharci-dejineed oo isbahaysi la samaysanaya oo walasaqo la tumanaya kooxo baal-marsan distoorkii iyo xeerarkii dalka u yaalley!

Wuxu ba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaa!

Dhinaca kale marka laga tago cagojuglaynta isa soo taraysa ee ka imanaysa dhanka xukuumadda, waxa jira aafada niman Isbahaysi la baxay oo axsaab mucaarid iyo madal ka kooban oo meelahaas hobshaynaya oo wax baannu ka tashanaynaa ku hadaaqaya oo teer iyo maalmahaa ba hadalladoodu way isa soo tarayeen oo soo noqnoqonayeen.

“Tolow duulkan la isku haystaa ma duunyaa!”

Geeddu se xeer ma leedahay,

mise waa lug iyo gacan

labadaba ku giringiri?!

Qoladan handadaadda iyo booli-xooftada waddaa iyo kuwan ka horjeeda ee in ay shiraan loo diidayaa, waxa ay isku hayaan, in la is waydiiyaa ka habboon, in la la kala safto. Tolow se maxay isku hayaan? Kama foga waxaasi hubaashii dano iyo muraadyo shakhsi iyo kooxeed oo ku salaysan kala riixasho kursi iwm.

Horta booli-xoofto iyo cagojuqlayni ka reebban dhexdeenna.

Haddii waxa la isku hayaa yihiin doorashadii iyo qabashadeeda, oo aanay qaradyo iyo muraaddo kale jirin, uma qalanto taasi waxa haddeer abaabul socda ee baaqa shir qarameed leh, ee hanjaabaad leh, ee car iyo wir leh, ee kan iyo keerley leh!

Suurtagal ma aha in wax lagu heshiiyey la fulin kari waayo haddii aan is yeel yeel kale meesha oollin.

  1. Muddadii dib u dhigista doorashada ee saddexda xisbi qaran ee waafaqsanayd tii guddida doorashada weli waa jare taagan oo u baahan in si miyir qabta oo deggan loo sii ambaqaado, iyada oo lagu ladhayo culaysyadii kale ee siyaasiga ahaa ee dibad iyo gude ba lahaa
  2. Dhawrkii bilood ee golaha guurtidu taas ku kordhiyeenna waa jare kale oo isna taagan oo u baahan galaangalkiisa iyo ka wada hadalkiisa miyirka iyo maanka ba qaba

Mid saddexaad meesha ba yaallo. Maxaa keenaya shir qarameed wada-tashi oo aan baahidiisu ool, shuruucda waddankana baal-marsanaan kara iyo

hanjabaad taas ka dhalatay oo car iyo wir ah, iyo heegan ciidameed iyo dhoolla-tusyo raacraaca oo carruurnimo.

Haddii la qaato ta hore ee inta badani heshiiska ku ahayd oo guurtidu tanaasusho iyo haddii qolyahan axsaabta sheeganayaa tanaasulaan oo ta guurtida qaataan, oo cariigsiga carruurnimo qolo uun ka weynaato, intu ba waa mubaax oo waa la yeeli karaa, waa na lagaga kaaftoomi karaa selleelinnimada haddeerto Hargeysa ka dhisaalan.

Ma farqi dhawr bilood ah ayaa ‘qoodh iyo xeradiin’ waxaasi u dhacayaan?!

Siday wax u dumin yaqaanniin, wax ba u dhisi yaqaanniin, saw ma aha?

“Baroortu orgiga ka weyn” weeye oo wax kalaa jira miyaa?!

Maxaa qarannimada iyo milgaheeda loogu jawrfalayaa? Mise geedda ma ba naqaanno oo waa inagu dulsaar?

Qolada kursiga sidan ugu soo haliilaysa ee indha la’ ha tixgeliyaan shuruucda dalka u taalla iyo xeerarka, kala dambaynta iyo mas’uuliyadda anshaxa siyaasadeed, qolada kursiga ku fadhidaana yaanay isku sii dhejin ku dingiigsigiisa, oo ha xaq dhawraan, oo ha ilaaliyaan sidaas oo kale shuruucda waddanka u taalla, hana diyaariyaan fagaarihii iyo gogoshii lagu xallili lahaa muranka taagan.

Haddii intaas la isla gaadhi waayo, oo meel lagu tiirin kari waayo, waxa hubaal ah in labada qolo ba hadhiino yihiin, waxa ay wadaanna bar-kuma-taal iyo cirro baaqatay yihiin.

Dhaafa oo joojiya is coofaadhinta, caash-boodhiga iyo cunbullaynta aad carruurta iyo maantida dharaar kasta kula soo carraabaysaan, oo ka heshiiya dhawrka bilood ee faraqa idiin dhexeeyaa ku saabsan yahay.

wakhtiga, dedaalka, xoogga, kharashka iyo ololaha aad cidlada gelinaysaan waxa idiinka habboon in aad gelisaan hawlaha qabyada ah ee idiin yaalla si ay doorasho idiinku qabsoonto sida diiwaan gelintii, xeerarkii kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka, xeerarkii doorashada waxa ka dhiman ee qabyo ah iwn.

“Laf cad baad hadda toobin ku haysaan” ee taas ogaada.

Shacabyohow na ogow “nimaan hadhow kuu furi doonini, yaanu haddeer kuu rarin”! Nimaan dhisi aqooninna, yaanu kaa dumin!

Nimanka saddex bilood isla meel dhigi kari waayey ee dhinac uun isu raaci kari la’, ayaa sidaas in lagu yidhaah istaahila saw maha?! Haa, way u qalmaan sidaas iyo si ka sii hoosaysa in loo qiimeeyo falka iyo ficilooyinka ka muuqda afkooda iyo addimadooda, waxa ay ku hadaaqayaan iyo waxa ay u hollanayaan in ay ku dhaqaaqaan labada daamood ba; mucaarid iyo muxaafidkooda ba.

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com

facebook.com/baadisooc

 

News Related