Published:

Guulaha Siyaasiga ah/diblamaasiga ah (1991-2015) Dalka Somaliland muddadii uu jiray tan iyo dib-ula-soo noqoshadii madaxbannaanidiisa sannadkii 1991-kii waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo isugu jira dib-u-heshiisiin, hub-ka-dhigis, dib-u-dhis dal iyo dadba, koboc dhaqaale, koritaan siyaasaddeed iyo dhinacyo kaleba.

Haddaba, dhanka siyaasadda oo ku suntan heerar kala gedisan iyo raad-raac taariikheed oo isugu jira mid togan iyo qaar tabanba, waxa guulaha muhiimka ee ilaa hadda laga gaadhay ka mid ah;

  1. Qabsoomidda Shirweynihii Lixaad ee SNM oo suurtogaliyey diyaarinta qorshe cad oo nabadgelyo, kana hano-qaada guud ahaan beelaha Somaliland.
  2. Doorka muhiimka ahaa ee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac (Alle ha u naxariistee) iyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka soo qaatay nabadeyntii beelaha bariga (Habarjeclo iyo Dhulbahante).
  3. Ku talo-galkii xubnihii Golaha Dhexe ee SNM shirweynaha kadib oo loo qoondeeyey beelaha aan SNM ahayn.
  4. Diyaarintii qorshihii dagaalkii kama dambays ahaa ee lagu hantiyey dalka.
  5. Hanashadii dalka kadib halgankii qadhaadhaa ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM February 1991.
  6. Heshiiskii nabadda ee beelaha Somaliland iyo isa-saamixii bishii February 27keedii Berbera 1991 (Wacadkii Nabadda Beelaha Somaliland).
  7. Shirweynihii Beelaha Waqooyi ee Burco 18kii May 1991. Iclimaamintii Go’aanka Ummadda ee Dib-ula soo noqoshadii xorriyaddii luntay 1960kii (Shirweynihii aayo-ka-talinta ee beelaha Somaliland 1991).
  8. Ku dhawaaqiddii dowladdii ugu horreysay ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHUN).
  9. Currashada saxaafad xor ah oo si madaxbannaan u adeegta, inkastoo weli ay curdin tahay (Wargeysyo, Telefishano iyo warbaahinta internetka)
  10. Soo afjaraddii qalalaasihii Berbera 1991 – 1992 ee magaalada Sheekh
  11. Shirweynihii Boorama iyo unkuddii dowlad ku-meelgaadh ah ee Somaliland 1993 mar labaad (SNM oo xukunkii dadka ku soo celisey sidii dastuurkeedu dhigaayey laba sanno kadib)
  12. Daabaacaadii lacagta iyo Baasaaboorka Somaliland gaar u leedahay markii ugu horreysay intii gobanimada dib-loola-soo noqday.
  13. Hub-ka-dhigistii halgamayaashii SNM iyo maleeshiyo-beeleedyada oo si weyn u hirgashay sannadihii 1994 – 1996 (Inta badan gobollada dalka ka qabsoontey)
  14. Soo afjaradii dagaalladii sokeeye sannadihii 1994 – 1995 iyo shirweynihii beelaha Somaliland Hargeysa (1996-997)
  15. Diyaarintii dastuurka markii koowaad intii Somaliland dib-u-dhalatay
  16. Hirgelintii haykal dowladnimo oo dhammaystiran ee hoggaamiye Cigaal (AHN)
  17. Hirgelintii qiimaha lahayd ee aftidii dastuurka Somaliland bishii May 2001dii
  18. Hirgelintii nidaamka axsaabta badan kadib aftidii dastuurka
  19. Hirgelintii nidaamka doorashooyinkii ugu horreeyey oo horseed u noqday kala guur rasmi ah oo saaxadda siyaasadda Somaliland sameyso
  20. Nabad-ku-wada noolaanshaha iyo maritigelinta shacabweynaha Geeska Afrika oo si weyn loogu badhaadhay, gaar ahaan Soomaalida oo aan marnaba loo kala soocin ku noolaanshaha dalka Somaliland si siman
  21. Hirgelinta diiwaangelintii u horreysay ee codbixiyayaasha oo dalka ka qabsoontay sannadii 2008-dii.
  22. Taabo-gelinta deganaansho buuxa oo gobol-qaaradeedka Geeska Afrika si weyn looga mahadiyey oo Somaliland horseed ka noqotey.

Caqabadaha weli Taagan:

Mustafe

  1. Nugeyl culuys leh oo saaxadda siyaasadda Somaliland la deris ah dhinacyo badan.
  2. Dhaqaale-xumo dadka ku rafatey oo nolosha shacabkana cidhiidhi ku heysa (heerka faqriga oo halkii ugu sarreysey maraya inta aynu xasuusano)
  3. Hab-nololeedka dalka oo aynaan weli si cilmiyeysan u hirgelin, iyadoo qaar muhiim ah oo nolosha dadka si weyn u gargaari lahaa ay qabyo yihiin haddiiba aynaan odhan uma aynaan dhaqaaqin abuuristooda sida; hab-nololeedka xoolo-dhaqatada, midka reer magaalanimada, midka beeraley/xoolo-dhaqatada iyo midka bulshooyin kalluumeysato oo aynaan weligeen si rasmi ah u abuurin waddan ahaan.
  4. Fursadaha diblamaasiyada oo aynaan ka faa’iideysan inta badana aynu si joogto ah u dayacno agaasimkeeda oo liita dartii, si ay midho-dhal rasmi ah inoogu keento ummad ahaan
  5. Taranta korodhay muddada aynu xornimada dib-ula-soo noqonay oo aan xal loo helin dhibaatooyinka barbar socda ay ka midka yihiin; da’yarta wax baratay ee bilaa shaqada ah, inta ku gudajirta waxbarashada ee loo samayn qorsheyn ku talo-gal, kuwa aan fursad u helin waxbarashada, balse u baahan abaabul-ka-saar iyo jiheyn la’aan guud oo aan si cilmiyeysan loogu dhaqaaqin diyaarintiisa.
  6. Qabyaaladda oo aynu ku milnay qaranimada si badheedh ah, iyada oo dano gaar ah looga faa’iideysanaayo, halis weyna ku heysa habkeenna dowladnimo iyada oo si sahlan masiibo isugu rogi karta amin kasta oo xilli nololeedkeena cahdigan aynu joogno ka mid ah
  7. Dowladaha hoose oo weli ah laf-dhabar kala dhantaalan, saameyn weyna ku leh baylahda adeeg la’aanta arrimaha bulshada ee shacabku tirsanaayo.
  8. Baxaa-degga saxaafadda curdinka ah walow aqoon badan oo mihnadan ku taxaluqda la kasbaday (xirfadlayaal badan oo kacay, balse u baahan saaxad-saxaafadeed miisaan iyo biseyl weyn leh oo hagta)
  9. Bulshada caalamka oo cuno-qabatayn aan gar ahayn si qaawan inoogu heysa intii Somaliland dib-u-dhiskeeda aynu ku howlaneyn 24 sanno muddo ah, sababo dan diblamaasiyadeed oo aynaan u hogaansamin darteed iyada oo aynaan si agaasiman marnaba uga garnaqsan.

 

Sababaha dhibaatada siyaasiga ah:

Hal-qabsi!

“Dadka aan la hadlayaan laheyn dux iyo Iimaane,

Anuunbaa damqanayee dheguhu uma daloolaane,

Bal in ay dabuub tahey caqliga dooni laga saarey,

Wixii hore u soo daashadey ayey dagashaneysaaye,

Dugsi mal leh qabyaaldi waxay dumiso mooyaane”

Ma hadhooyinkii Abwaan Cabdillaahi Suldaan -Tima-cade-(AHN).

Dayaca waqtiga ee aynu caadaysaney (Alif kaa qaloocdaa Al-baqruu ku dhibaa)!:

  1. Waxaynu caaddeysaney dayaca waqtiga, iyadoo aan laga faa’iidaysan isu diyaarinta xilliga ku habboon ee hawl-qabad kasta lagu sargooyo.
  2. Tixgelin la’aan suurtogalka xilliyeysan ee howl-qabad kasta ka hor inta aan la go’aamin si miisaan iyo mug leh
  3. Ka faa’iidaysi la’aanta casharrada laga barto hawlaha hore looga gaabiyey inay ku qabsoomaan ku-talo-galkoodii hore.
  4. Garowshiiyo la’aan dhayalsiga waqtiga marka fashilku yimaado.
  5. Xeer-jabin iyo daacadnimo la’aan aynu qabatinay oo dhaqan caadi ah iska noqotay.

 

Guraca Dabciga Siyaasiyiinta (Talyaani ciidan xumuu u jabey)!!!!!!!:

  1. Darjiidh siyaasiyiintu caaddeysteen mar walba oo ay gorgortamayaan, iyaga oo aan wax tixgelin ah siinin qawaaniinta dowliga ah iyo danaha guud ee dalka (luuqadda nuruxkeeda oo khaldan, asluubta oo daciifta, IWM)!
  2. Ka gaabinta hirgelinta dhismaha rasmiga ah ee xisbiyada siyaasadda looga baahan yahay, marka laga reebo xafiisyo kooban oo dood-joogto ah ku jira siyaasiyan (inta badan cartan ayey ku lumiyaan xisbiyadu doodaha u dhexeeya)
  3. Hagradshada diyaarinta/hirgelinta qawaaniinta dalku ku dhaqmi lahaa, iyada oo inta yar ee jirta laga dul-tallaabsado hammuunta damac siyaasi ah ee ay siyaasiyiintu qabaan dartii.
  4. Dabbaqaadda qabyaaladda oo siyaasiyiintu sameeyaan, iyaga oo aan tixgalin raadka halista badan huwan ee ay mustaqbalka reebayso bulsho ahaan dhexdeena
  5. Garowshiiyo la’aan ay siyaasiyiintu dhexdooda caaddeysteen mar walba oo ay dood fikir ah ku kala qaybsan yihiin.
  6. Is-qadarin la’aan siyaasiyiintu la yimaadaan marka ay gorgotamayaan siyaasiyan oo ka baxsan asluubtii saaxadda siyaasaddu mudneyd
  7. Sharciga oo siyaasiyiintu si badheedh ah ugu gafaan marka ay dheelayaan ficliyan saaxadda siyaasadda.
  8. Shacabka oo kala raaca siyaasiyiinta si kooxaysan dano kala duwan darteed, marka hirdanka siyaasaddu kululaado, balse aan ku caabiyin midnimo, wixii qayrul-sharci ah ee ay sameynayaan siyaasiyiintu (Fikirka siyaasiga ee shacabka oo eexeysan sababo kala duwan – qabyaalad, daneysi gaar ah, damac hor leh, maal-doon iyo waxyaabo kale oo wada khaldan)
  9. Isu-tanaasulka siyaasiyiinta oo yar inta badan, balse aan ficil ahaan la imaanin ka hor inta aanay qaddiyadda siyaasiga ah ee la isku hayo aanay isku rogin mushkilad siyaasi ah oo dalka hafisa, una baahata xallin miisaan iyo mug leh, sumcadda dalkana dhaawac weyn u keenta diblumaasi ahaan (haddii aan la kala roonaan roob ma da’o)!
  10. Is-heyn cakiran oo siyaasiyan mar kasta aloosan dib-u-dhac weyna ku keenta horu-socodkii hayaanka dowladnimo ee la filaayey, iyadoo aan laga garaabin, haddana misna (Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kaco)!
  11. Kala qeybin shacabka lagula dhex jiro si qabyaalad qaawani ka muuqato mar walba ah oo ay hormood ka yihiin siyaasiyiinta iyo mukhalasiin ay si weyn ugu tabobareen howshaasi hirgelinteeda.

 

Xalka lama huraanka ah (Caano daatey dabadood la qabay)!

  1. Gowshiiyo aynu la nimaadno ummad ahaan oo lagaga tanaasulayo dhaqanka foosha xun ee loo caaddaystey dabbaqaadda saarka siyaasadda
  2. Towbad keen la gudboon siyaasiyiinta daashay ee fadhiidka ah muxaafid iyo mucaarid, labadaba si ay meel mar u noqoto himilada shacabku
  3. Ka dhowsanaan laga fogaado qabyaaladda, sharci-jabinta, sida foosha xun ee xilliyada ololayaasha siyaasadda loo dheelo, khaa’inimada daneysiga siyaasadeed ku ladhan tahay inta badan iyo wax kasta oo xagal-daac ku keeni kara horu-socodka himilada dal ahaaneed.
  4. Dhammeystirka qabyooyinka sharci ee tirada badan, dal ahaan si dowladnimo dhammeys ah aynu ugu naaloono, una baahan diyaarin hor leh loo howlgalo, iyada oo laga bilaabayo dib-u-eegista iyo kaabida inta yar ee aynu diyaarinay muddo dheer oo kacaa-kuf lagu soo jirey.
  5. Hirgelinta xisbinmo dhab ah inay noqdaan xisbiyada siyaasadda dalka oo loo dhaqaaqo howlgelintooda rasmiga ah si aynu dowladnimo taam ah, meel mar iyo hano-qaad dhab ahna ku dhisan aynu waddanka ugu horseedno Insha Allah!
  6. Abuuridda kalsooni iyo wadajir danta guud ah oo ay siyaasiyiintu la yimaadaan mar walba heer xisbi iyo mid shakhsi labadaba (Ceelna uma qodna ciidana uma maqna)!
  7. Wacyigelinta dadweynaha ee dhinaca aqoonta dowladnimo oo abaabul, kobcin fahamka shacabka ee dowladnimada, toosinta qallooc ku yimaadda shacabnimadeena sidii sharciga loogu dheqi lahaa IWM (Wadaniyadda oo u baahan in si mug leh shacabkeena loogu abuuro).
  8. U dedaalka danta guud oo weli aan loo hagar-bixin si badheedhe ah (waa arrin ay siyaasiyiintu masuul ka yihiin xagal-daac tiro beelay oo la caaddeystey cahdigan cusub ee Somaliland hirgalkeeda)!

Gebgebo:

“Damiirku hadduu qalalo, hadduu dufan raadis yahey,

Daliilka hortiisa yaal, waxaa kaga deyran daah,

Dibnuhu baryaday karaan, daryeel kama mahad ceshaan………”

Tixo ka mid ah maansadii Dabo-huwan.

(Abwaan Max’ed I. Warsame (Hadraawi)”

 

 

Qalinka: Mustafe Saleebaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

Cell phone: 00 252 2 44 27 734/4137470

Email:  mustafe72@gmail.com

News Related