Published:

A

Waxa jirey rag loo malaynaayey siyaasiyiin mug iyo siisaanba leh

Oo hadana noqday,kuwa ay siyaasadoodu dhaafsiisnayn xulafaysi iyo in la af  gambiyo wadanka wixii doonaaba haka dhacaane.

Waxaan leeyahay kooxdan isku magacawday isbahaysigu waxay isu bahaysteen Inay wadanka majara habaabiyaan oo ayna xisbiga kulmiye doorashaba ka dhicin.

Labada nin ee hogaaminayaa waa mudane XIRSI IYO SAMAALE

Horta Xirsi waxaanu leenahay gabaygii SALAAN CARABAY EE ahaa :-

( waxba yaanu xeerkay imarin xoolana isiine xaasha’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa YAAB).

Waxaanu ogayn MADAXWEYNE SIILAANYO oo cid walba U karbaashay oo wasiiradii lasinaa kana sareeyey kana aqoontaad badnaa ka wada sareysiiyey oo gaadhsiiyey heer layidhaahdo wadanka xirsibaa ka taliya.

Muxuu se XIRSI ugu abaal guday siilaanyo oo XIRSI laftiisa ina baray,wuxuu UGU abaal guday inuu dawladiisa ku dumiyo .

SAMAALE Waxaan leeyahay samaalow horta xageed joogtay markaad leedahay wadanka waan usoo dhintay,intii ragu halasaha iyo kulaylka maraayey xageed Ku maqnayd,mida kale wadankan aad leedahay waxbaan U qabanayaa WASAARADII UGU QIIMAHA BADNAYD ayaa laguu dhiiber maad wax U qabatid.

Dadyow badan ayaa aaminsan in uu SAMAALE yahay nin aanu wadankuba ka maarmin lakin isga iyo  XIRSI ba wadanku wuu karaystay durba.

Dhawaanahan waxaa suuqa Ku jira warar sheegaya waxay Ku nuurayaan UCID ucid hamoodina sidii KULMIYE inaad dhinacwalba u dhexqaadaysaane waxa haysta nin Faysal la yidhaahdo oo aan sharciba qabanin.

Waxaan leeyahay dadka qaba fikirka ah miisaan ayey leeyihiin isbahaysigu adeer waa kuwaa aynu arkayn waxayihiinbee haku habsaamina,hantida ay isticmaalayaana waa cashuurtii islaamaha tamaandhada iibiya laga gurey.Ninkasta oo waxqabad doonaaya oo ka tirsan isbahaysigu waxa uu iskaga dhaqaaqaa wasaaradii uu umada U hayey haduu doonayaayo inuu wax qabto wasaaradii loo dhiibay ayuu umada waxa ugu qaban lahaa kamanay doorteen Inay habeen qudha wadanka afgambiyaan

WAXAAN LEEYAHAY DADKA TAAGEERAYA AMA TAAGEERSAN

(Siyaasada isbahaysigu waa bishoo sadexee dawlada soo socota haysa seegina)

Facebook:- Cabdi caawiye Ismacil  GUNTI-GAAB.       MOB:0634115877

News Related