Published:

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa dhaliilay shir ay dhawaan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya kaga qayb galeen siyaasiyiin reer somaliland iyo masuuliyiin xilal ka haya dawladda Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in arrintaasi ay muujinayso in siyaasiyiintii reer Somaliland ay ku milmeen kuwa Soomaaliya, taasoo loo arko in mid ka soo hor jeedda qadiyadda gooni isu taaga jamhuuriyadda Somaliland.
Iyadoo ay weli taagan tahay cadaawadda iyo shir-qooladda ay dawladda federaalka Soomaaliya ku hayso Somaliland, balse shirkii ay Nairobi kaga wada qayb galeen siyaasiyiinta reer Somaliland iyo kuwa Soomaaliya ay meel ka dhac ku tahay qadiyadda Soomaaliya.


Hadalka wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka la xidhiidhay kadib markii todobaadkan ay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya siyaasiyiin reer Somaliland ah iyo weliba madax dhaqameed reer Somaliland ah ay kaga qayb galeen shir ay yeesheen siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka beelaha Dirreed.
Shirkaasi oo ay ka wada qayb galeen siyaasiyiin ka soo jeedda Somaliland oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha UCID siyaasi Maxamed Aadan Qabo, oo hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye iyo xubno madax dhaqameed reer Somaliland ah oo uu ka mid ahaa suldaan Dhawal.
Sidoo kale waxaa shirkaasi ka qayb galay raysal wasaare ku-xigeenka dawladda federaalka Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan goleyaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Soomaaliya.
Wasiirka daakhilaga ayaa ku tilmaamay ka qayb galka siyaasiyiinta Somaliland ee shirkii Nairobi mid muujinaya in ay xubnahaasi Xamar tegayaan iyo in ay fariin cusub ka soo qaadeen xagga dawladda Soomaaliya.
Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad loo sameeyay xuska aasaaska ciidamadda booliska Somaliland oo lagu qabtay xarunta taliska guud.
Wasiirka ayaa ugu horayn ku hanbalyeeyay ciidamadda booliska xuska sanad guurrada 27aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodda, waxaanu sheegay in ciidamadda boolisku ay hawl muhiim ah qaranka u hayaan.
Sidoo kale Maxamed Kaahin, waxa uu ka waramay barnaamijyo dib u habayn iyo tayayn loogu samaynayo ciidamadda booliska iyo arrimo kale.
Daawo: Wasiir Maxamed Kaahin Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

News Related