Published:

Haddii in badan raggu dadaal weyn u galaan sidii ay ula tacaali lahaayeen ilaalinta daadashada timaha oo keenta in qofku bidaar yeesho xaggeebay dadaaladaasi kaga jiraan haweenka timuhu daataan ama ay ka helaan cid ay ka gargaarsadaan xal u heliddda dhibaatadan jidheed. Muddooyinkan dambe dunida waxaan ku aragnaa in daadashada timuhu si weyn kor ugu kacday iyada oo aad arkayso wiil dhallinyaro ah oo aan gaadhin da’dii wakhtigii hore raggu ku bidaaraysan jireen oo timihii daateen. Ma doonayno in aynu sii dhex gallo doodda ku saabsan in daadashada timuhu sabab u tahay korodhka da’da ee qofka aadamaha ah balse waxaan shaki ku jirin in maanta dunidu si weyn ula dhibaataysan tahay dhacdadan oo noqotay mid aad xaddigeedu kor ugu kacay. Maalmahan waxa kale oo aan iyana ahayn wax lala yaabo ama la dhibsado iyada oo aanay bulshadu diidin bidaarta. Boqolaal kun oo ka mid ah kooxaha caanka ah sida ciyaartoyga, fannaaniinta, jilayaasha filimada iyo kooxaha caanka ahi waxa ay bidaarta u badaleen qaab moodeel ah iyaga oo marka ay bidaartu soo galayso dhammaan timahooda dhulka dhiga. Waa ay dhukurtaan dhammaantood, waxaanay taasi keentaa in dhallintu aqbasho dhukurashada oo aanay noqon wax qaab xumo ah. Shek Coneri, Brus Wills iyo Fin Disel dhammaantood waa kuwo dhukuran oo madaxoodu xiiran yahay umana muuqdaan kuwo muuqaalkooda ay taasi wax u dhintay. Haddii aynu taasi intaa ku dhaafno, daadashada timuhu ma ragga oo kali ah ayay ku egtahay mise haweenkuna waa ay la qabaan dhibaatadan?. Drs Sanchi Tasau oo ah haweenay dhakhtarad ah oo ku takhasustay xanuunada maqaarka iyo timaha kana hawl gasha kulliyadda caafimaadka ee gobolka Messachutes ee dalka Maraykanka ayaa aaminsan in boqolkiiba afartan in ka badan dadka dunida ku nool ee bidaartu haleeshay ay haween yihiin. Haddii aanay aqoon ahaan dadku taasi aaminsanayn waa dhacdo rasmi ah oo caafimaad oo muddo badan laga soo shaqaynayay sidii wax looga ogaan lahaa. Drs. Sanchi waxa ay sheegtay in daawooyinka lagula tacaalo joojinta daadashada timaha ee ay raggu isticmaalaan in aanay haween badani nasiib u helin in ay dhinacooda ka isticmaalaan. “Bidaarta ragga ayaa ah arrin muddo badan xal loo raadinayay balse cidi isma waydiiso bidaarta haweenka iyo sidii loola tacaali lahaa. Xataa haddii ay jiraan daawooyin haweenka loogu tala galay oo lagula dagaalamo daadashada timuhu ma laha raandhiis iyo wax tar la mahadiyo oo xal loogu helo” ayay tidhi haweenaydan khabiirka caafimaad ahi, waxaanay hadalkeeda intaasi ku sii dartay: “Sida caadiga ah haweeenka marka ay bidaartu galayso waxa ay timuhu ka soo daataan wajadaha hore ee madaxa in ka badan inta ay ka daataan xagga dambe ama kodhida madaxa. Sidoo kale waxa ay ka daadan karaan dhammaan dhinacyada waana ta ay ragga kaga duwan yihiin. Aan is waydiino maxaa u sabab ah bidaarta haweenka. Inta badan bidaarta haweenka waxa keena dheecaano hiddo sidayaal ah oo la iska dhaxlo. Waxa kale oo keena jidhka haweenayda oo soo daaya dareere dheecaan ah oo loo yaqaano Androgens oo ah kuwa labnimada ee xaddi kooban ku jira jidhka haweenayda. Haddii dheecaankaasi haweenayda ku bato waxa dhacda in aanay yeelan timo dheer ama timo badan”.
Bidaarta ayaa dadyawga dunida waxa ay wakhtigan ku haysaa faro baas iyada oo ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambaysa daadashada tumuhu wakhti ay shirkado badani ku hawlan yihiin soo saaridda daawooyinka lagula tacaalo daadashada timaha.

News Related