Published:

Manta waxaan jecelahay inaan soo qaato quruxdii dumarkii somaaliyeed ee qarniyo hore, iyo siday u ilaalin jireen wajigooda, qiimaha u lahaa iyo caafimadka uu haystay wajigoodu.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo cuna cuntooyin ay ka helaan fiitamiino kala duwan jidhkoodu, sida shuurada, digirta, iyo caanaha, oo dhamaantood jidhka u fiican.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo wakhti qura wax mariya wajigooda, wakhtigaas oo ah markay tagayaan meel sida aroosyada ama iyaga la aroosayo, dumakan ayaa ahaa kuwo marsada waxyaabo ay ka mid yihiin: Huruuda, cusburka, labeenta caanaha, shunburada, timirta, burcadka iyo qasalka.
Dumarkan ayaa qabay fikir ah hadii jirka mar walba wax la mariyo inuu dheeha sare ka qaadmayo. Hadii aad u fiirsado fikirkaa ay qabeen wakhtigaa aanay haysan daryeel badan ama aanu wakhtigu u saamixin qurux dabiici ah, lakabka sare ee jirka kaasoo loo yaqaano (Epidermis) wa jidhka hadii ay dhibato soo gaadho unugyada ka hooseeya, ka bacdi uu wajiga dumarku ka xumado ama wax kasoo bax baxaan.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo qurux kala midaba leh, si gabadhkastana midabkeedu lafta ka dhalaali jiray, dumarkan ayaa ahaa kuwa aanay ku soo deg degin waxyabaha hada ku soo deg dega dumarka maanta sida : (wrinkles or ageing skin).
Dumarkan ayaa ah dumar jidhkoodu caafimad qabo ama aad arki kartid iyagoo ka gaboobay, jidhka wajigooda oo wali is haysta oo aan xoog u jilcin, dhibatana waligood soo gaarin finan iyo wax kale toona. Dumarkan ayaa ahaa kuwo leh midabo kala duwan: casaan, maariin, mariin dhalaal xiga, iyo madoow!
Waxaan aan had iyo jeer eega ama u fiirsada dadka gaboobay wajigooda, maalin maalmaha ka mid ayaan  su,aal waydiiyay islaan aad u wayn,  islaantan ayaa ah mid aan lahayn haba yaraatee wax loo yaqaano (wrinkles), ama waji layn layn leh oo soo dhac dhaca. Arrintan ayaa iga yaabisay, waxaan ku idhi hooyo maxad marsan jirtay markaad aad yarayd ama hadaba, waxay iigu jawabtay Liin dhanaan, timir, iyo qasil. Se hada qurbahan waxaan marsada badhar, jidhkeedan ayaa ah mid caafimad qaba laftana ka dhalaalay.
Hadaba, habloow ma is waydiiseen markaad gaadhaan xiligan wajigiinu noocuu noqon doonaa!??
Hadii aan uso jaleeco Hablaha maanta jooga horta waa isku wada midab qudha, waxaad moodaa inuu dabar go’ay midabkii soomaliyeed, mariin, madoow. Hadaba, isku wada midab ha la ahaadee dhibaato intee leegna way soo gaadhaysaa jidhkan?
Runtii farqiga u dhexeeya quruxdaa hore iyo ta maanta waxa weeye, dhibaatooyinka ku dhaca dumarka maanta jooga wajigooda sida: jidh wax diidaya (sensitive skin) finan cas casaan ah, kuwo madmadoow ah (red spots, acne, and blackheads) jidhkaa dumarkaa hore intaan mid may lahaan jirin, kaliya waxay laahaan jireen haaro markay uurka leeyihiin kudhaca, kuwaaso markay dhalaana burcadkoodu ka gooyn jiray!
Dumarkan manta jooga runtii kama fakaraan aayaha jidhka danbe, halka ay kuwaa hore aad u ilaalin jireen ayaha jidhka wajigooda?
Habloow hadaba , waxa fiican in aynu is waydiino, dhibatadan badan ee dumarka wajiga kaga dhacaysaa maxaa sababaya?  Waxyabaha aan kor ku soo sheegay oo dhan baa ka masuula, dhibtani waxay ka imanaysa unugyada jidhka ka hooseeya markay dhibato soo gaadho, ayaa jeermis dhalanaya kaasoo usoo booday dibada wajiga.
Waxaan qabaa hadii  la iska daayo waxan la marinyo jidh caafimaad qaba, ama wakhti yar maraya, in aanay dhibaato u timaadeen wajiga!
NB: Hablaha dhalin yarta ah ee wadankii jooga  waxan kala dardaarmaya intii aan waxba marsan inay fadlan iska ilaaliyaan waxa la marsanayo waliba ay ku jiraan wax loo yaqaano (mercury liquid: Diana cream,dermovate and Fasco herbal), walaloo waxa jirta xili jidhkiinu fitiimiin soo daayo oo aad ka helaysaan qurux dabiiciya, hadii aad cuntaan cuntooyinka khudaarta ah.
Waxan la marsanayo waxa jirta Da? loogu tala galay inuu qofku isku yareeyo ama isku qurxiyo Se marka ay marsadaan hablo soo kacaya, Ma ogtihiin inaad jidhkiina ku duulaysaan waliba aad dhibaato soo gaadhsiinaysaan Unugyada difaaca jidhkiina?
Waxaad moodaa midabadeenii kala duwanaa inay madheen, ama anay jirinba dad kala duwan wajigoodu, runtiina qurux maaha midabka cad ee dadkii wada yeesheen, quruxdu wa jidhka caafimaad ka qaba ee dhalaalkiisana wata, hablihii markay dambas iyo casaan wada noqdaaan quruxi wataa ay ka tagtay dumarkii somaaliyeed.
Waxaa fiican in laga hortago oo hablaha soo kacaya loo sameeyo wacyi galin si loo soo celiyo quruxdii hore ee qiimaha u lahayd jidhka dumarkeena soomaaliyeed.

News Related