Published:

Waxaa qasab ah in aad jirkaaga daryeeshid oo aad kasoo saartid qurux dabiici ah adoo ka fogaanayo waxyaabaha kiimikada ah ee waxyeeleyn karo nafsadaaada.

Maadaama shabakada Haldoornews aay bulshada dhan weliba kadhisto waxaa inoo bilaaban doono barnaamij ah sida jirkaaga aad isu qurxin laheyd taasoo dabiici ah aan la isticmaaleyn wax daawo ah, inta badan waxaan xooga saarnaa inaan waanooyin iyo tallooyin siino dumarka maxaa yeelay meesha dhan ee laga abaabo ayaa ah hooyo, hadii hooyadu dhisantahay ubadkana waa dhismayaaaa, sidaa awgeed ayaan inta badan arimaha qoyska dumarka xooga usaarnaaa.

Runtii waxaa jidho siyaabo faro badan oo aad isku qurxin karto kaasoo jirkaaga aad ka soo saari karto mid dhaldhalaalayaa oo gacanta seygaada soo jiidaneyso, halka raga qaar xattaa looga baahanyahay sida xaaskiisa isku qurxiso asigana inuu isku qurxiyo si leysku dareensiiyo in ihtihaam leysa siinayo.

Ma ogtahay in Canabka, malabka, iyo mooska maqaarkaaga aay kadhigayaan mid siman oo jilcan haddana nadiif ah.

Haddaba waxaad u isticmaali kartaa dhowr qeyb inta aad isku dhex qasto in qayaas ah kadibne cabitaan waad kadhigan kartaaa taasoo caafimaad iyo maqaar aad u qurux badan kuusoo saareyso.

Sacab mugiisa oo canab ah soo qaad kadibna tuna ma shied ee qolofkiisa kareeeb, kadibna moos aan biseyl zaaid aheyn soo qaado oo asne shiid kadibne intaad isku dhex qasto dhowr qaando oo qayaas ah malab ku shub, dabadeed cabitaan kadhigo dhowr beri wixii is bedel ahna waan kaa sugeynaaa.

Waxaad badsataa qudrada sida , tufaaxa, malabka, mooska, liin balbeelmo, canabka IWM.

Si maqaarkaaga iyo jirkaaga aad u daryeesho waa in aad maalintii ugu yaraan aad dhaqdaa 2bo mar adoo ku dhaqayo waxyaabaha jirka loogu talo galay,

Waa inaa jimicsi sameysaa maalin weliba oo kusoomarto si jirkaaga usoo saaro wasaqda,

Waa inaa seexataa hurdo kugu filan habeenkii maalintiina aad lahaato xili aad nasato, Cab biyo nadiif ah oo Still Water ah maalintii ugu yaraan dhowr liter.

intaasi hadad joogteysato waxaa kaasoo muuqanayo jir iyo maqaar caafimaad qabo ooo nuur badan.

Hadii aad dooneysid in aad tintaada jilciso oo aay kuso baxdo mid dhaldhalaaleyso waxaad sameyn kartaaa, inta aad dhowr ukun ah jebiso koob saliid ah kudarto, tinta marso oo illaa lafta madaxa gaarsii dabadeed ku xir bac oo habeenkaas laseexo subixii markaa soo kacdo iska dhaq tintaada waxey kusoo baxeysaa mid aad u dhaldhalaaleyso aadna u jilcan, balse xusuusnoow maalinta koowaad oo dhan sidii ukuntii ayeey tintaada usoo uri doontaaa.

News Related