Published:

Xisbiga KULMIYE ayaa labadda xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ku eedeeyay in ay ka baxeen heshiiskii ay wada jirka u gaadheen saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu.

Heshiiskaasi oo ahaa in doorashooyinku ay dalka ka qabsoomaan bisha December 2016-ka, sidaasina waxaa sheegay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge(Jaamac shabeel) oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN.

“Xukuumadda iyo xisbigeedda KULMIYE mawqifkoodu wuu cad yahay arrintaana heshiis ayaa laga gaadhay, oo la wada galay. dhankayagana heshiiskaasi waa sidaanu u galnay anaga (xukuumadda iyo KULMIYE) ayay noo taallaa sidaanu u fulinayno. Laakiin cidda ka baxday iyaga ayay u taallaa wax aanu ka baxnay oo xagayaga ka yimidna ma jiro” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Go’aanka guurtida cidda diiday iyagaa og waxay yeelayaan go,aankaasina waa mid sharci ah anaga ayaanay too taalla sidaanu isu waafajinayno una diyaara labadaba in aanu fulino labada xisbi mucaaridna waxaanu kula heshiinay waanu fulinaynaa hadday iyagu diidaanna waxaan u aragnaa in ay iyagu ka bexeen.”

Sidoo kale Jaamac Shabeel, oo la waydiiyay in ay mar kale wada hadal la furayaan axsaabta mucaaridka ah iyo in kale mar haddii uu muran ka dhashay heshiiskii hore.

Waxa uu ku jawaabay “Wada hadal marbaa la furay waanu dhamaaday waxna waa lagu heshiiyay heshiiskii aanu wada galnay fulintiisuna waa naga diyaar wada hadal kalena ma jiro oo wax laga wada hadlo oo kale anagu(KULMIYE) garan mayno kol haddii aanu diyaar u nahay fulinta waxaanu ku heshiinay cidda ka baxdayna iyagay u taalla ”ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cigge.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE waxa uu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay kooxda la baxday Madasha Wadatashiga. Kaasi oo ahaa in xubno ka tirsan kooxda la baxday madasha wadatashiga oo sheegay in ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ka dacweeyeen dawladda Ingiriiska.

“Haddii la iska hadlayo wax kasta waa la iska odhan karaa, waana hadal aan macno lahayn oo la iska yidhi sababtoo ah Xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda KULMIYE waxay hoggaanka dalka kula wareegeen doorasho ay dadkoodu ku doorteen.

Waxaanay haystaan kalsoonida shacabkooda waxaana hubaal ah in imikana ay bulshadu diyaar u tahay in ay mar kale Xukuumadda iyo KULMIYE codkooda ku ninka yidhi cid baan ingiriis ka dacweeyay waa nin kalsooni ka waayay shicibkiisa oo cidla ku wareegaysanaya Ingiriiska ay leeyihiin waanu ka dacwaynayna dacwad loo gudbiyay Somaliland waxba laguma yeeli karo midda kale ingiriis horta intaan cid laga dacwayn ma yahay dal ina aqoonsan.

Dal aan Somaliland-ba aqoonsanayn masuuliyiin ayaan ka dacwaynay waa hadal tiro iyo nin albaab xidhan oo silsilado ku qufulan garaacaya markaa iska garaac ayaan leeyahay gacmuhu ha kugu daalaan”ayuu yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE.

News Related