Published:

Qormadan waxa uu Haldoornews.com akhristayaasha kula wadaagayaa maahmaahyo iyo halqabsiyo ay bulshooyin kala duwani ka yidhaahdeen dumarka, waxa ay ka hadlayaan sifooyinkooda, qaabkooda, xarakaadkooda iyo dabeecadahooda, waxaana ka mid ah:

  •  Gabadhu adduunka waxa keliya ee ay ka doontaa waa say (Nin guursada), kaas marka ay heshana isaga ayaa ay wax kasta ka doonaan. (Shakespeare)
  •  Gabadhu hadalka ma joojiso illaa ay oydo.
  • Shaydaanku waa ninka macallinkiisa, laakiin gabadha waa u arday.
  • Waxa uu Shaydaan awoodi waayo ayaa ay gabadhi awooddaa.
  • Lacagta iyo Dumarkuba ninka waa ay halleeyaan.
  • Gabadha quruxda badani waxa ay u baahan tahay saddex nin, mid deymaha ka bixiya, mid ay jeclaato iyo mid garaaca.
  •  Saddex nooc oo ragga ka mid ah ayaan dumarka fahmin, Dhallinyarada, Odayaasha iyo Gadh madoobaha. (Taas macnaheedu waa in aanay ragga oo dhami dumarka fahmi karin).
  • Dumarku waa sida hoggaamiyeyaasha / Madaxda, waa dhif in ay helaan saaxiib daacad ah.
  • Ninka halka ugu dambaysa ee dhimataa waa qalbiga, gabadhana waa carrabka.
  • Gabadhu waa sida hadhkaaga, haddii aad daba gasho waa ay kaa ordo, haddii aad ka oroddana waa ay ku dabageli.
  • Gabadha foosha xumi ninka waa u calool xanuun, gabadha quruxda badanina waa u madax xanuun.
  • Ninka yidhaahda gurigaygu waa xasilloon yahay / deggen yahay, macnaheed waa xaas ma’ lihi.
  • Ninku gabadha ragga oo dhan waa uu ka ilaalin karaa, laakiin naftiisa kama ilaalin karo.
  • Qorrax jiilaal iyo qalbi dumar midna ha isku hallayn.
  •  Gabadhu waxa ay qososhaa marka ay awooddo, waxa aanay oydaa marka ay doonto.
  •  Ninku waxa uu doonaa wax kasta oo uu filayo in uu heli karo / gaadhi karo, gabadhuna waxa ay doontaa wax kasta oo aanay heli karin /gaadhi karin (Mark Twain).
  • Gabadhu waa sida shinnida, malab bay ku siin, laakiin waa ay ku qaniini.
  • Nasiib badanaa ninka isleh waxa aad ka fariidsan tahay xaaskaaga, waayo ninka xaaskiisa ka fariidsan / maskax badani waa keliya ninka guursada gabadh run uga fariidsan.
  •  Gabadha quruxda badani waa ta nafteeda jecel (Aniis Mansuur).
  • Gabadhu kama murugooto haynta oo ku yar, laakiin waxa ay ka murugootaa waxa ay qayreed haysto oo bata.
  • Gabadhu waxa ugu weyn ee ay ku faraxdaa ma’aha quruxdeeda, balse waa foolxumada saaxiibadeeda ugu dhow.
  • Sayga oo indha la’ iyo afada oo dhego la’ ayaa noqda qoyska ugu farxadda badan.

News Related