Published:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminaayo Wasiirka Dawlada ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga ah Min. Grant Shapps, oo ay wehelinayso safiirka Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Ingiriiska fadhigeeduna yahay Adis-ababa. Amb. Harriet Mathews.

DSC_0036Kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlay xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska ayaa lagu soo qaaday xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinacyada nabadgelyada mandaqada geeska afrika, xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee labada dalka ka dhexeeya. DSC_0042

DSC_0096Iyada oo markii danbena la kala saxeexday heshiis la xidhiidha kaalmada ingiriisku ka geysto sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF, iyo Mashaariico horleh oo ay ka mid yihiin biyo gelinta dalka, Laydka iyo tamarta. DSC_0059
Waxaana heshiiskan labada dal u metelaayey wasiirada Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka horumarinta caalamiga.

DSC_0112

News Related