Published:

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa jawaab ka bixiyay eedo uu xisbiyadda mucaaridka ah iyo kooxda sharci darrada ah ee Madashu ay u jeediyeen xukuumadda oo sheegayay inay Somaliland heshiis fedaraal la qaadatay, taasi oo uu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah.

Afhayeen Dhuxul oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aan lagu tilmaami karin inuu shacbigiisa khiyaameeyo, isaga oo tusaalle u soo qaatay kaalintii uu Madaxweynuhu ku lahaa halgankii dib u xoraynta dalka.

“Waxa arrintaasi innagaga filan oo u baahan marka war laguu sheego, warkaasi suurto-gelnimadiisa oo wax waliba wuxuu leeyahay Miisaan lagu eego suurtagnimadiisa waxaasi inuu jiro iyo in aanu jirin, shirkii ugu dambeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya Turkiga ku wada galeen haddii ay jirto in dawladda Somaliland u habranayso in shir qarsoodi ahi u socdo Miis kagamay soo kacdeen, Somaliland iyo Soomaaliya shirar bay ku wada jiraan oo shirarkaasi danta Somaliland waxa weeyaan in si nabad ah oo walaaltinimo ah, oo jaarnimo ah dadkaas u kala baxno, Rag mucaaridka ka mid ah waxay Madaxweynaha ku yidhaahdeen oo qaar baa yidhi waa khaayinul wadan, waa nasiib darro waana ayaan darro. Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo sidaad la socotaan wuxuu ka hor yimid dawladdii dadkan dhibaatada ku haysay oo kaalin weyn buu ku lahaa, xil buu ka hayay oo intii u dhaxaysay todobaatanaadkii illaa sideedtamadkii, ficiladii ay dadkeenna ku haysay markii uu arkay wuxuu go’aansaday in ku jiritaankeeda lagu sii jiri Karin,” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Dhuxul oo si gaar ah ula hadlayay Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi “Madaxweyne Siilaanyo waa Hoggaamiye dadkiisa u soo shaqeeyay oo u soo halgamay oo tacab badan u soo galay, qofku haddii uu qaranka kaaga tacab badan yahayna, waxa xaqiiqo ah inuu kaaga lex jeclo badan yahay. Guddoomiye Cirro waxa uu xiligaa loo halgamayay qaranimadda Somaliland uu la shaqeynayay Siyaad Barre oo uu illaa maalin dhawayd uu u shaqaynayay Soomaaliya.”

Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay in Maxamed Cabdilaahi Cumar ay la gudboonayd inuu ka fiirsado eedahaasi uu u jeediyay Wasiir Xirsi, waxaanu yidhi “Maxamed Cabdilaahi (Wasiirkii hor ee arrimaha dibada) wuxuu degdegay, inuu sug bay ahayd sidii uu Wasiirka Madaxtooyadu arrintaas uga jawaabo, laakiin eedayn aflagaado u badan ayuu Maxamed Cabdilaahi Wasiir Xirsi oo weliba difaacay ayuu weerar ku qaaday, runtii inaad hubsato bay ahayad oo Nin weyn oo hubsiimo la’aan hadlay waa Geed qolofi ka dhacday. Xirsina wuxuu qarankan uu u qabtay shacabka Somaliland oo dhami wey ogyihiin.”

Afhayeenka oo warbaahibtu weydiisay inay habboonayd in eedahaasi uu Wasiirka Madaxtooyadu ka jawaabo, waxa uu ku jawaabay “Tan aad imika wax iga weydiinaysaa waxay ku jirtaa qaranimada inaan difaaco xaq baan u leeyahay, waa waxaan u taagan nahay oo sharafta qarankeenna iyo Madaxtooyadeennu leedahayna iska dhaaf aniga, qofk kasta oo Muwaadin ah baa xaq u leh inuu ka jawaabo. Sharaftadaasi iyo qaranimadaa inuu ilaaliyo.”

News Related