Published:

Gudoomiyaha xisbul-xaakimka Kulmiye, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay eedaymaha xisbiyada Mucaaridka ah iyo madasha wada-tashiga ujeediyeen xukuumadda ee ahaa in xukumadda heshiih la gashay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa arrintaasi iyo qodobbo kale kaga hadlay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in warbixnta Weak leaks iyo eedaynta xisbiyadda mucaaridka ahi ay yihiin been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

“In la yidhaahdo Dalkii waa la iibiyay oo waliba nin odayada dalka ahi uu yidhaahdo oo madaxda qaranka ka mid ahi waliba yidhaahdo waa nasiib darro. Somaliland lama iibin karo, lamana baayici karo wax afka la soo mariyana maaha. Arrinta la buun-buuninayo ee la leeyahay waraaq ayaa weak leaks laga helay war uma hayno, maynaan ogayn intii xukuumaddani joogti wefti aynu leenahay oo Wasiirka Arrimaha dibadu ka mid yahay, madaxwaynuhu ka mid yahay oo Sucuudiga tagay, muu jirin,” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

“Shir Sucuudiga iyo wasiirkeennii hore ee khaarajigu ay wada galeen ma jirin, madaxwaynaheenna iyo dowlada Sucuudigu shan shir oo ay wada galeena ma jirin. waa ayaan darro shalay erayga uu yidhi gudoomiyaha xisbiga Waddani, isaga ayaa looga fadhiyaa cadaynteeda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxaanu intaa ku daray “Haddii aanu Kulmiye nahay, ma nihin cid Soomaaliya Looga shakiyi karo, waxaan leeyahay layligu biyaha calooshiisa ku jira ayuu ka didaa, taa waxaan ummada u sheegayaa inaanay waxba ka jirin.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sidoo kale difaacay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu uu yidhi “Arrinta Wasiirkii hore ee Khaarijiga Dr. Maxamed Cabdiliaahi Cumar, lagu duray anigu waxa aan u qabaa in uu ahaa nin dhalinyarro ah oo aqoon-yahan ah oo dalkiisa intii uu u shaqaynayay hawl wanaagsan u qabtay, kana mudan ammaan ee aan ka mudnayn, sabab ninkaas loo dur-duro oo looga daba tagaa oo aan gardarro iyo maag ahayni ma jirto, dadka isaga waxaas u nisbaynaya waxa aan leeyahay waar ma gayo, mana dhacdo ee ha laga daayo isaga iyo inta la midka ahba.”

News Related