Published:

Waxa wax lala yaabo ah in nin aan dalkan taariikh hore iyo mid dambe toona ku lahayni uu maalin walba isku dhereriyo oo uu wax ka sheego masuuliyiinta qaranka ee aanay isku mustawaha ahayn. Waxa uu doonayaa inuu ku caan-baxo oo siyaasi ku noqdo hebel baan u jawaabay.

Siyaasiyiinta dhaqankan ku sifoobay waxa ka mid ah Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI Cabdirisaaq Riyo-raac oo ah dadka taariikhda dhow ee Soimaliland iyo af-xumadda ku macaashay. Siyaasigan layliga ahi waxa uu ka mid yahay dadka hugunka dimuqraadiyadda Somaliland soo raacay.

Cabdirashiid Riyo raac waxa uu sida dhalaanka oo kale u aflagaadeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo sheegay in ay dul-qaad u leeyihiin dhaliisha iyo cayda Mucaaridka, hase yeeshee aanay xukuumaddu aqbali Karin in la yidhaahdo dalka dawladdi kama jirto.

“Cayda waanu ka dul-qaadanaynaa, kuwa madaxweynaha aflagaadeeya waanu u dul-qaadanaynaa, laakiin marka la yidhaahdo dawladi ma jirto, himiladii umaddani u soo dagaalamaysay intaas oo sanno, marka la yidhaahdo ma jirto waxa aanu leenahay adiga ayaan jiri doonin, balana waxaa aanu ugu qaadanaynaa ninkii qaranimada iyo dawladnimada ka hor yimaada in aanu barno qaranimadu waxa ay tahay shacabkuna taa ha ogaado,”ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde oo Salaasadii toddobaadkan ka hadlay shir jaraa’id oo madaxtooyadda lagu qabtay.

Mr. Waran-cadde waa siyaasi qaan-gaadh ah, waxaanu leeyahay waayo arragnimo shaqo oo gaadhaysa in ku dhow afartameeye sannadood, waa iska sunnaha dimuqraadiyadda in la iskaga jawaabo arragtida axsaabtu ku kala duwan tahay. Hase yeeshee waxa aan maan-gal ahayn in dadka cirdigooda iyo shakhsiyadooda wax laga sheego. Bal aan soo qaadano jawaab celintii Cabdirashiid Riyo-raac oo ay ka muuqatay hubsiimo la’aan iyo deg-deg ay sababtay is muujin daarran. “Waxa aan Shacabka u sheegaynaa in Wasiirka Arrimaha Guddaha in cadadiisii iyo hawlihiisi lagu yaqaanay uu ku soo noqday, waxaanu Waran-cade uu sheegay in Wadanka loo soo dhintay waa run, balse cida laynaysay dadka dhintay miyaanay ahayn Dawladii Siyaad Barre ee uu ka tirsanaa, ee xasuuqaysay Ummadda reer Somaliland, miyaanu ka tirsanayn cadawgii laynayey dadkii masaakiinta ah ee reer Somaliland, isaga oo sidaas ahaa ayuu maantana difaacdayaa nidaam fashilan, oo nidaamkii Siyaad Barre sidiisi u dhaqmaya, Wasiirka waxa aanu u sheegaynaa in aanay jiri doonin saamaxad dambe,”ayuu ku tiraabay Mr. Cabdirashiid Riyo-raac.

Siyaasigan aan doob dilaacsan oo aflagaadadiisa iyo ciiro isku qarantiisa sii watay, waxa uu isku dayay inuu majaro habaabiyo bulshadda oo uu been ku beer-laxowsado, digniintii uu Wasiirku u jeediyay mucaaridka bu’aya ayuu u bedalay in shacbiga la hadidayo. Waxaanu yidhi “Waxa uu ka waramay dhibtii uu dadkan u geystay, in gacantii birta ahayd iyo rasaastii ay Dawladdii Faqashta ahayd ee uu ka tirsanaa ay Umaddan la dhacaysay, oo uu Shacabkan uu cagta marin doono, waxaana aad iyo aad uga xunahay in Shacabkan la maqashiiiyo hanjabadaha noocaas oo kale ah, waxa kale oo aanu aad uga xumahay in dadkan oo kale ay Umaddan u hanjabaan, hore ayaa loogu maahmaahay Bahal qaydhin ma daayo, qofka cadadii ma baadsho, ee waxa aan leeyahay Cali Waran-cadde waad u baratay in aad dadka si xun ula dhaqanto, oo haddana u hanjabto, balse tani maaha tii lagagu saamaxayey, dalkana cid kasta oo qarabin waa laga xoraynayaa, dadka Maanta dalka laga xoraynayo ee cadawga ah adiga ayaa ka hormood ah.”

Hadallada labadan siyaasi waxa ka kala muuqda heerka waayo-arragnimadoodu gaadh siisan tahay iyo sida ay ugu kala dhisan yihiin qiyam ahaan.

Cabdirashiid Riyo raac masuulka uu afka la dhacayo isaga ayaa Xamar iyo Soomaaliya kaga dameebay,waxa kuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii hunguriga la doogsin cararay ee Muqdisho u shaqo tagay. Waxa uu gef ka galay qaranimadda Somaliland iyo go’aankii shacbiga Somaliland ku dhisteen qaranimadooda, waxaanu mansab Wasiir ku xigeen ka soo qabtay dawladihii ku meel gaadhka ahaa ee loo dhisay Soomaaliya. Ninkii xiligii Siyaad Barre u soo shaqeeyay taliskii bahalka ahaa waxa ummaddan kaga sii xun intii ay qaranimadooda la soo noqdeen kuwii u doogsin cararay oo ku sifoobay waddaniyad la’aan iyo qadiyad xumo labadaba.

Sidaas oo ay tahay haddana Mr. Riyo-raac waxa uu lacag kala soo baxsaday dawladii Muqdisho, waxaanu dalka dib ugu soo noqday markii uu ku soo qaamoobay ee uu ka baqday in la xidho. Waxa aan shaki ku jirin in Cabdirashiid Riyo raac aanu ka yimaadeen Xamar haddii aanay ku baxsan lacag yar oo uu kala soo goostay dawlada Muqdisho. Waxa u fiican inuu ka waantoobo in magaciisa lagu barto mid xumaan ka marag kaca.

News Related