Published:

QOFKA LA FARIISTA 8 RUUX, WAXAA LAGU IMTIXAAMAA 8.

Nin Xikmad badan ayaa yiri: Qofka la Fariista Siddeed nooc oo Dadka ka mid ah,i Allaah wuxuu ku Imtixaamaa Siddeed Kale:-

1- Qofka la Fariista Maalqabeennada Allaah wuxuu ku imtixaamaa Aduunyo jacayl.

2- Qofka la Fariista Madaxda wuxuu Allaah ku Imtixaamaa Kibir iyo Isla weyni.

3- Qofka la Fariiista Dumarka Allaah wuxuu ku Imtixaamaa Shahwad.

4- Qofka la Fariista Caruurta Allaah wuxuu ku Imtixaamaa Ciyaar iyo Jaahilnimo.

5- Qofka la Fariishta Dadka Xun Allaah wuxuu ku Imtixaamaa ku Dhiiranaanta Macaasida..

6- Qofka la Fariista Dadka Saalixiinta ah ee Wanaagsan Allaah wuxuu ku Imtixaamaa Diin jacayl.

7- Qofka la Fariista Fuqarada Allaah wuxuu ku Imtixaamaa ama siiyaa Iimaan Sugan.

8- Qofka la Fariista Culimada Diintana Allaah wuxuu ku Imtixaamaa Cilmi Raadin iyo aakhiro jaceyl.

News Related