Published:

somaliaMuqdisho(Hldoornews)–Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa goor-dhaw furay shirweynaha Hiigsiga 2016-ka oo ka dhacaya Muqdisho, kaasoo ay ka Qayb-galayaan Xubno ka mid ah Dowladda iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa halkaas ka jeediyay khudabadii furitaanka, isagoo shirka ay ku sugan yihiin xubno ka socda Beesha Caalamka, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira Qaarkood.

Dhammaan xubnaha ka Qaybg-alaya Shirkan ayaa waxay daqiiqad u istaageen dadkii ku dhintey weerarkii dhawaan lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee Muqdisho iyo dilalkii loo geystay xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan waxaa hadal ka jeedin doona mas’uuliyiin dhowr ah, waxaana shirka si Wadajir ah u Guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh yo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Somalia, Danjire Kay.

Dhanka kale Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa maanta ka qaybgalayn shirka looga hadlayo Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Somalia (New Deal) kaasoo ka dhacaya Muqdisho, ayna shir guddoominayaan madaxweynaha Somalia iyo Danjire Nichollas Kay.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa Qorshayaasha 2016-ka iyo waxyaabaha la Qaban doono muddada u hartay Dowladda Somalia, iyadoo horay ballantu u ahayd in sannadka 2016-ka ay dalka doorasho ka dhacdo.

shrkaMaamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u Qaadacay ka Qayb-galka Shirkan, kaddib markii ay Dowladda Federaalka Somalia ku eedeeyeen inay marin habaabisay Dastuurka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Jubba oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulkiisa aanu ka qayb-geli doonin shirka Muqdisho ka furmaya Maanta.

“Annaga Mowqifkeena Shirkan horay ayaa u Caddeynay Kamana Qayb-galayno, waxayna ahayd in marka hore Madaxweynaha Somalia inaan iska aragno arrintan,“ ayuu yiri Geelle Maxamed.

Dhanka kale, Puntland ayaa iyana sheegtay inaanay shirkaas ka qayb-galayn, kaddib markii Dowladda Federaalka Somalia ay ku eedeeyeen inay shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug ay gadaal ka riixaysay.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo kan Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shirkan ka Qayb-galaya; iyadoo shirkan ay iyaguna ka qaybgalaan xubno ka socda Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aaddan Hiigsiga Sannadka 2016-ka iyo sidii doorasho dalka ay dalka uga dhici lahayd.

 

News Related