Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Siyaasiga hoggaamiya kooxda Somaliland-diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa u muuqda inay siyaasadiisii shiikhday, waxaana toddobaadkan soo baxay tilmaamo muujinaya fashil ku yimid.

Cali Khaliif Galaydh, oo la filayay inuu Axadii toddobaadkan yimaado magaalada Buuhoodle si uu uga qayb galo aaska Marxuum Ciise Garaad Soofe ayaa si kedis ah u baaqday, waxaanu maydka kaga hadhay magaalada Muqdisho ee Somaliya oo salaadii Jinaasada lagaga tukaday. Cali Khaliif Bedelkiisa waxa maydka soo raacay oo Buuhoodle yimid Cali Jaamac Jengeli oo ah wasiirka duulista ee dawladda Somaliya oo u dhashay Buuhoodle.

Maleeshiyaadka hubaysan ee taageersan Cali Khaliif ayaa wixii ka horeeyay Axadii waxay ku jireen diyaar garow ay doonayeen inay ku soo dhaweeyaan Cali Khaliif, waxaana gudaha Buuhoodle lagu arkayay sawiradiisa oo baabuurta qaar lagu dhejiyay. Hase yeeshe subaxnimadii Axadii ayaa lagu war helay inuu Cali khaliif baaqday, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dawlado shisheeye kula taliyeen inaanu tegin deegaanka Buuhoodle si aanu qas iyo xasarad uga abuurin maadaama oo ay ciidamada qaranka Somaliland-na isha ku hayaan. Wararku waxay intaas ku darayaan in Cali Khaliif go’aansaday inaanu tagin magaalada Buuhoodle ka dib markii ay dawladahaas shisheeye cadaadis ku saareen inaanu iman ee uu iska joogo magaalada Muqdisho oo uu muddooyinkan dambe ku sugnaa tan iyo sidii kal hore looga masaafuriyay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaate safarka uu Cali Khaliif qorshaystay inuu ku yimaado Buuhoodle ee sida kediska ah u baaqday wuxuu muujinayaa faashil siyaasadeed oo soo waajahay.

News Related