Published:

yaabHargiesa (Haldoornews)-Maxkamadda Sharciga ee demgada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa isu-meherisay Lammaane Carruur ah oo aan weli qaan-gaadhin, ka dib markii ay iskala soo tageen ama iskala soo baxsadeen Reerahooda, kuwaasoo ay dadweynaha maqlay ama arkay ka fajeceen tallaabada ay qaadeen, aadna ay qaybaha kala duwan ee Bulshadu u hadal-hayaan gudo iyo dibed-ba.

Wiilkan iyo Gabadhan yar-yar ee aan qaan-gaadhin oo Wiilku 13 jir yahay Gabadhuna 11 jir tahay, ayay Maxkamadda Sharciga degamdda Hargeysa shalay isu-meherisay, ka dib markii qoyska Inantu ka soo jeeddaa ku dooday in aanay u mehersami karin maaddaama oo ay Gabadhu aad u yar tahay.

Labadan Ciyaalka ah ee is calmaday, ayaa magacyadoodu kala yihiin Maxamed Axmed Cabdi iyo Xamda Cabdi Nuur, waxaanay iskala soo baxsadeen Miyiga gobolka Hargeysa, ka dibna u soo baxsadeen magaalada si la isugu meheriyo.

Hase-yeeshee, Qoyska Inantu ka soo jeeddo ayaa ku dooday in aanay Inantooddu u mehersami karin maadaama oo ay aad u yartahay, balse waxa ay Maxkamaddu go’aamisay inay isu meheriso, isla markaana isu noqdan laba lamaanne ah oo is qaba ama Qoys cusub oo Muslim ah.

Wiilkan yar ee Inanta la soo baxsaday ee Arooska ah Maxamed Axmed Cabdi, ayaa sheegay inuu jecleeday Xamda ka dibna la soo baxsaday sida inta badan dhaqanka Miyigu ku salaysan yahay oo ay Wiilka iyo Gabadha is-guursanayaa isla-tagaan ama isla baxsadaan, ka dibna la isu hibeeyo oo la isu meheriyo, waxaanu sheegay inuu jid dheer la soo maray, sidaa darteedna aanay suurogal ahayn inuu Inanta fasaxo.

Waxa kale oo uu Maxamed Axmed intaas ku daray oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Maxkmadda Sharciga ee degmada Hargeysa go’aamisay in la isu meherin karo, isla markiibana isu meherisay oo ay hadda isaga iyo Xamda yihiin Xaas ama nin iyo gabadhiisii.

Sidoo kale,  Xamda Cabdi Nuur oo da’deedda lagu sheegay 11 jir, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay isguursadaan Maxamed, isla markana jacayl ay isu qabaan dartii isagala soo baxsadeen Reerohoodii Miyiga. Waxaanay Xamda Cabdi intaas ku sii ladhay inay iyada iyo Ninkeeda Maxamed-ba yihiin laba qof oo Masuuliyadda qoys ee looga baahan yahay qaadi kara, kana soo bixi kara waajibaadkooda qoysnimo, Illaahayna ay ka rejaynayso inuu isku asturo.

Labaddan Lamaane ee da’yar, ayaa dhawaan loo samayn doono Aroos, isla markaana labadda Qoys ee ay ka soo kala jeedaaan si wada-jira ah uga qaybqaadan doonaan unkidda reerka cusub. Waxay labadooduba sheegeen inay isku faraxsan yihiin, Allaahna ka baryayaan inuu ka dhigo qoys nolosha wada jira.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa ku cusub Somalilnad, isla markaana dadka ka yaabisay maaddaama oo Wiilka iyo Gabadha yar ee go’aansaday inay is-guursadaan yihiin dad da’ahaan aad u yar-yar oo Gabadhuna 11 sano jir tahay, Wiilkuna 13 sano jir yahay oo aan labadooda midna weli qaan-gaadhin ama aanu 15-jirsan, waxaanay dadweynuhu aad isu weydiinayaan oo ka doodayaan suuragalnimada guurka lammaanahan ku cusub lammaanayasha.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI

 

News Related