Published:

Galgaduud(Haldoornews)-Maamulka Ahlusunna ee gobolka Galguduud ayaa ku xukumay saddex weriye min 2 bilood oo xarig ah oo ka howlgala magaalada degaanada dhuuso mareeb

3-dan weriye ayaa maxkamad ku taal magaalada Dhuuso mareeb waxa ay ku eedeysay inay warar been  abuur ah  ka faafiyeen maamulka Ahlusunna ee ka jira gobolada dhexe ee dalka somalia.

Weriyayaasha la xukumay ayaa waxaa ay kala yihiin C/llaahi Warsame Rooble oo u shaqaynayey Idaacada Radio Kulmiye , Cabdi Jamaal Macallin Axmed oo u shaqaynayey Idaacada Radio Barkulan  iyo Bashiir Maxamed Salaad  oo u shaqaynayey Talefishanka HCTV .

Garsoorihii qaadayay dacwada markii uu xukunka ku dhawaaqay ayaa buuq iyo qeylo mar kaliya isu bedeshay goobtii dacwada ka socotay.

Hase yeeshee Maxkamada ayaa sii daysay Wariye Leylo Nuur Cilmi oo ka mid ahayd weriyaashii dacwada lagu soo oogay.

Maxkamada ayaan weli go’aan ka gaarin weriye Maxamed Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa saxafiyiinta la eedeeyay balse xanuun awgii haatan ku jira isbitaal ku yaal magaalada Dhuuso mareeb .

Xadhigan uu maamulka ahlusuna waljamaaca kula kacay wariyayaashan ayaa noqonaya mid tacadi ah oo uu kula kacayo maadaama o wariyayaashu ay yihiin qaar bulshada u adeega oo maamulkaasina uu yahay mid uu khilaaf ka dhexeeyo maamulka galmudug oo dhawaan lagu dhisay magaalada cadaado.

 

Haldoornews.com

haldoornews@hotmail.com

 

News Related