Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la faafiyay inuu ka cudur daartay martiqaad uu madaxweyne Siilaanyo u fidiyay oo la xidhiidha inuu booqasho ku yimaado Somaliland, isla markaana uu ka soo qayb gallo xadhig ka jarista mashruuca internetka ee Fibre optic ee ganacsadaha Maxamed Aw Siciid Geedi ka hirgeliyay dalka.

Siday faafisay shabakadda wararka internetka ee HALBEEGNEWS  oo soo xigatay siday sheegtay illo xog ogaal ah, Madaxweyne Geelle  wuxuu ka cudur daartay inuu yimaado Somaliland, isla markaana wuxuu ku sababeeyay arrimo isaga u gaar ah, waxaanuu bedelkiisa u soo wakiishay ka qaybgalka munaasibadaa wakiil cusub oo dawladda Jibouti dhawaan u soo magacawday xafiiska ay ku leedahay Somaliland. “Waxaan ka xumahay inaanan iman karin Hargeysa sababo ii gaar ah darteed, waxaanse u soo wakiishay wakiilkayga Jibouti ee Hargeysa.” Siday daabacday shabakadda Halbeeg farriin jawaab ah oo nuxurkeedu sidaa yahay ayaa ka soo noqotay Madaxweyne Geelle. Hase yeeshee tibaaxahaa ay faafisay shabakadda Halbeeg ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo cadaynaya runnimadda iyo jiritaanka warkani.

Inkastoo xidhiidhka iyo wada shaqaynta Somaliland iyo jabuuti lagu tilmaamo mid muddaba intii xukuumadda Siilaanyo jirtay bilowgii mooyee intii dambe oo dhan dhutinayay, haddana waxa haatan dadaal badan galay wakiilka Somaliland ee Jabuuti Maxamed warsame oo ah aqoonyahan iyo siyaasi lagu tilmaamo mid wax ka tari kara isku xidhka iyo wanaajinta xidhiidhka labada dhinac, haddii uu hiil buuxa iyo wada shaqayn wanaagsan oo ku salaysan danta ka helo Hargeysa. Dalka jabuuti ayaa lagu tilmaamaa mid hore u talaabsaday wixii ka dambeeyay burburkii dawladdii soomaaliya laysku odhan jiray, siiba intii uu taladda dalkaa qabtay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle 1998, taasina ay ka dhigtay dawladda Jabuuti bidhaan ka dhex muuqata mandaqadda xilligan. “ Horta Jabuuti iyo Hargeysa maxay isu yihiin?, ma Ilma Abti baa, ma Habra wadaag baa, waxaan uga socdaa taa, Madaxweyne Geelle waxa u muuqda Muqdisho ee uma muuqato Hargeysa, taana waan ku hambalyaynayaa, waayo, wuxuu xil ka saaran yahay doonista maslaxadda iyo danta dalkiisa.” Weedhaasi waxay ka mid tahay aragtidamid ka mid ah  dadka falanqeeya siyaasadda ee u dhuun dalloola xidhiidhka labada dhinac.

Waxa isna fikirkaa kaa la mid ah qaba nin lagu magacaabo Cali Samakaab oo ka mid ah akhristayaasha Ogaal, waxaanuu yidhi;  “ Jabuuti danteeda ma dayacdo, way ka fushataa Hargeysa. Xitaa xilliga doorashada, kaambaynka doorashada Geelle waxa laga dareemaa Hargeysa, waxa la qabtaa xaflado, dadka qabanayaa maaha reer Jabuuti waa reer Somaliland, markaasaad is odhanaysaa tollow ma iyagaa dooranaya. Taasi waxay muujinaysaa saamaynta Jabuuti ku leedahay Somaliland. Dhaqdhaqaaqyadaa hiilka ahna waxa marar badan ka cawday mucaaradka dalkaa, haddana, dawladda Jabuuti marna muraad qumin siyaasadeed oo fiican oo la majeerto umay samayn Somaliland. Laakiin, malaha inagaa is dayacnay, sababtoo ah dadaalku wuxuu faran yahay qofka wax doonaya. ”

Dhanka kale, dhawr iyo labaatan sanno oo ay Somaliland gaar u taagan tahay ilaa hadda waxa la tilmaamaa in aanuu marnaba si fiican u sal dhigin xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, taasoo lagu sababeeyo aqoonsi la,aanta haysata Somaliland, balse waxa mar walba jiray, welina jira xidhiidhka bulsho ee ku salaysan dhiiga iyo wada dhalashada, kaasoo wax badan ka tara macaamilka. Sidoo kale ka wada shaqaynta nabadgelyada iyo xasiloonidda mandaqada ayaa iyana ahayd, welina ah mid ay ka wada shaqeeyaan dalalka mandaqadu, inkastoo intii xukuumadda Siilaanyo taladda haysay la tilmaamo inuu jiro saluug iyo dhutis, taasina ay ku keliftay dalalka kale ee  mandaqada macaamil ku salaysan taxadir iyo feejignaan.

 

Haldoornews.com

contact@haldoornews.com

source:Waaberinews.net

News Related