Published:

11913108_1049173951768366_430452766_nWasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi   wuxuu madaxtinimada iyo mansabka uu maanta joogo kasoo bilaabay  Magaalada Dhoqoshay wakhtigii qixii iyadoo markaasi dadkii deegaanka iyo odayaashii magaaladu u garteen inuu ahaado Maayirka Dhoqoshay  sidaasna uu ku noqday Maayirkii Dhoqoshay, markii dalka lagu soo laabtayna wuxuu kusoo diga rogtay burco uu maayirnimadii dhoqshay burco kaga noqday maayir halka uu markii danbena ka mid noqday xildhibaanadii Baarlamaankii dawladii ina cigaal hasa ahaatee Madaxweyne Wakhtigaasi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ay is mutaysteen iyadoo ina Cigaa markii danbe siyaasada kaga adkaaday islamarkaana uu dawladaha aduunka ugu baaqay “  Usaamaha Aduunyada laga Baafinayaa Inuu Ku Jiro Baarlamaanka Somaliand” taasina ay keentay inuu firxad dalka kaga baxo.

Abaal la,aanta Maxamuud Xaashi waxay noqotay inaanu Dhoqoshay dib ugu jahan oo ahayd halkii uu kasoo bilaamay seeska siyaasada kuna soo galay masraxa mansab xileedka Somaliland “ siday dhoqoshay ugu listay ugumuu haynbayn”  ninka garan waayey  halkii aad kasoo abqaashay shalay bal ka wardoon waxay ku sugan tahay muxuu qaranka somaliand u qaban karaa , Maxamuud Xaashow Dhoqshay abaalkeedii waa kugu maqan yahay raggii xilka kuu dhiibayna Sheeday kaala socdaan, marka laga reebo labada madaar ee uu ku jaxaastay balaayiinka dollar islamarkaana uu qurux uga dhigay  muraayadaha Al-Muniumka ah. Kharashkii loogu talogalayna uu guryo qurux badan iyo dhul dawladeed oo qaaliya kaga iibsaday, Birmingham,    Hargeysa iyo Burco.

Sanadkii 2003 Maxamuud Xaashi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabtay kana mid ahaa Xisbiga Kulmiye wuxuu khiyaamo iyo budhcadnimo kula kacay Xisbigii UDUB iyo isla xisbigiisa KULMIYE isagoo leexsaday lacag xaddi badan oo loogu talo galay Ololihii Doorashada ee 2003_dii wakhtigaasi oo loo qoondeeyey isaga inuu ahaado hormuudka kaanbaynka ee Deegaanada Ceel-afweyn iyo Gar-adag, balse halkii laga doonaayey inuu deegamaadaasi u baxo uu dalka ka dhoofay lacagtiina jeebka ku shubtay, wuxuu kow ka noqday guul darooyinki ugu weynaa ee Xisbiga Kulmiye kasoo wajahay Doorashadaasi oo markii danbe laga helay, Xisbiga kulmiye uu maanta Xukuumadiisa wasiirka ka yahay, waxaa is weyndiinle Maxamuud Xaashi horta dib u eegaa taariikhdiisa ?  Maxamuud Xaashi isagoo Taariikh xumadaa leh miyuu maanta yidhi qaranbaan hogaaminayaa, shacabka Somaliland waa ogyahay inaad tahay muhanadka labada garoon.

News Related