Published:

Garoowe(Haldoornews)-Maamulka Puntland ee Somalia ayaa doonaya taageero dheeraad ah oo kaga timaadda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika si ay ula Dagaallamaan Al-shabaab, Sidaas waxaa sheegay Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo hadalkiisa ku daray in taageerada ay doonayaan ay tahay saanad ciidan iyo rasaas.

Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxaa laga saaray deegaanno fara badan oo ay ku jirto Muqdisho, kaddib weerarro ay ku qaadeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia oo is-garabsanaya. Waxayna Al-shabaab saldhigyo ku lahayd sannadihii ugu dambeeyay Buuraleyda Galgala oo ku yaalla Puntland.

“Ma doonayno Ciidamo ka socda AMISOM inay noo yimaadaan, waayo ciidanka Puntland waa kuwo Awooda inay la Dagaallamaan Al-shabaab,” ayuu yiri C/weli Gaas oo wareysi siinayay Reuters. “Balse, Waxaanu doonaynaa in nalaga Taageero; Qalabka Millateriga, isgaarsiinta, gaadiidka ciidanka, hubka iyo weliba rasaasta.”

Gaas ayaa intaas ku daray. “Saanaddda ciidan ee aan ka doonayno inay AMISOM nagu caawiyo waa mid aan xaq u leenahay inaan ka helno.” Isagoo is-weydiiyay. ”Waa Maxay sababta ay u caawinayaan ciidamada Muqdisho ku sugan, oo aysan u caawinayn kuwa Puntland jooga? Tani Waxay muujinaysaa Xaq-darrada ay ku dhaqmayso dowladda federaalka Somalia.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray inuu jiro qorshe la doonayo in 3,000 oo ciidamada Puntland ah lagu daro kuwa dowladda dhexe ee Somalia, kuwaasoo ay Puntland ka heli doonto dhaqaale, balse wuxuu xusay in aan weli arrintaas la xaqiijin.

Maamulka Puntland ayaa nabadgalyo ay ka jirtay 17-kii sano ee lasoo dhaafay; kaddib markii la dhisay maamul-goboleedkan, waxaase aysan ka badbaadin Al-shabaab oo dagaallo kawadday deegaannada Puntland tan iyo sannadkii 2010-kii, markaasoo uu talada hayay madaxweynihii hore ee Puntland, Faroole.

Ugu dambeyn, hadalka Madaxweynaha Puntland uu kusoo beegmayaa xilli uu ka dhawaajiyay dhawaan madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka sheegay Muqdisho in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah marka la gaarso sannadka 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa waxay horay u diidday in deegaannadeeda la geeyo ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, si ay Al-shabaab ula dagaalamaan, iyadoo Puntland ay sheegtay inaysan u baahnayn in ciidammo ka tirsan AMISOM la keeno deegaannadooda.

 

News Related