Published:

Kismaayo(Haldoornews)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xero lagu tababarayay ciidamo katirsan Maamulka Jubbaland.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xarunta Jaamacada Kismaayo, halkaas oo lagu tababararayay ciidamo isku dhaf ah oo loo tababarayo Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen qasaarooyin xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha dhabta ah.

Xaalada Magalaada Kismaayo ayaa xiigan ah mid aad u kacsan , waxaana Magaaladaasi laga maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidamada amaanka, waxaa sidoo kale isbitaalada loo qaadayaa dadka ay waxyeeladu kasoo gaaray Weerarka ismiidamainta ah.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta Jaamacada Kismaayo, halkaas oo xarun u aheen ciidamo isku dhaf ah oo loo tababarayay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo buuxiyay oo nuuciisu ahaa NOAH ayaa la sheegay in lagu weeraray xarunta Jaamacada Kismaayo, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ruuxa weearkaasi fuliyay uu kamid ahaa Ciidamada Jubbaland ee halkaasi lagu tababarayay.

In ka badan 15-qof oo u badnaa ciidankii xeradaasi lagu tababaray ayaa qaraxa ku dhintay, waxaa sidoo ku dhaawacmay in kabadan 10-qof oo kale, kuwaa oo lagu daweenayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Kismaayo.

Weerarka ismiidaaminta ah waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadax sargaal oo katirsan Ciidanka AMISOM ,kuwaa oo tabarayay ciidamada isku dhafka ah ee xerdaasi ku xaeesnaa.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad u kacsan , waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u hubeesan kuwaa oo wadooyinka qaarkood xiray, waxaana si weyn Magaaladaasi looga hadal hayaa qaraxa xoogan ee maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada Weerarka ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday xerada lagu tababarayay ciidanka isku dhafka ah oo katirsan Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

News Related