Published:

Bagdad(Haldoornews)-In ka badan 50 ruux ayaa ku dhintay qarax gaari weyn oo ka dhacay waqooyi bari magaalada Baqdad ee wadanka Ciraaq, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Qaraxa ayaa kala firdhiyay dad buuxay suuqa qudaarta lagu iibiyo ee Jameela oo ku yaal deegaanka ay shiicadu ku badan yihiin ee magaalada Sadr.
Kooxda dowladda Islaamka ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa oo ay ku beegsadeen maleeshiyaadka Shiicada.
Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii uu sheegay General sare oo ciidamada Mareykanka ah, in la ga fiirsanayo ku darista ciidamo Mareykanka ah kuwa Ciraaq hadii aanan wax horumar ah laga gaarin dagaalka looga horjeedo kooxda dowladda Islaamka.
Weerarka maanta ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ilaa markii uu xafiiska yimid ra’iisul wasaare Haider Al-abadi sanad ka hor.
Mas’uul isbitaalka ka tirsan ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 51 ruux la dilay iyadoo 75 kale ay dhaawacmeen.

Haldoornews.com
source:BBCSOMALI

News Related