Published:

Inagoo Hore Uga Soo hadalnay Qorshe Miisaaniyeedkii 2014 Loogu Talla Galay In Laga Fuliyo Gobolka Togdheer Ayaynu Maanta Hoos Ugu Sii Degi Doonaa Qodobada Kale Een Iyaguna Fulin Iyadoo Lacagteedii Iyo Qorshaheediiba La Ansixiyay 2014 Kala Fadhigii 7AAD Ee Golaha Deegaanka Degmada Burco.

Waxaana Ka Mid Ahaa :

1.      In La Dhiso Waddo Laami Ah Oo Ah Xaafada Hodon Qaylo Oo Ahayd 2M:Mashruucan Wadad Hodon Qaylo Ayaa Isna Lagu Ansixiyay Miisaniyadii 2014 Iyadoo Loo Qoondeeyay Lacag Dhan 200.000 Dollor Oo Loogu Talla GalayIn Lagu Hirgeliyo Wadad

Hadaba Lacagtan Ayaan Ilaa Imika War Iyo Wacaal Laga Hayn Halka Uu Ina Muraad Ku Shubay Isagoo Adeegsanayaa Awoodisa Maayirnimo Ayuu Halkii Meter Oo Loogu Talla Galay Wadad Hawda Magaallada Burco Uu Soo Wareejiyay Wadad Hodon Qaylo.

Waana Qorshe Isdaba Marin Ah Oo Uu Doonayay Maayir Ina Murad In Uu 200.000 Dollor Ku Shubto Account Gaar Uu Ah Isaga Oo Aan Ila Imika La Ogayn Halka Ay Salkoodu Yihiin.

Is Daba Marintan Lagu Sameeyay Labada Waddo Ayaa Noqonaysa Mid Ka Hor Imaysaa Ansixintii Lagu Sameeyay Miisaniyada 2014 Waxayna Cadayn Iyo Marag Ma Doon Uu Tahay Sida Maayir Ina Muraad Uu Uga Aradan Yahay Sharciga Iyo Waliba Maamul Wanaag.

Waan Mid Ku Tusinaysaa Aqoon Darada Uu Raacday Musuq-Maasuqa Baahsan Ee Uu Ina Muraad Uu Ku Kacay Maantaa Ilaa Iyo Maalintii Loo Doortay Xilka Maayirnimo.

2.      Bariij Lugeed La Donaayay In Laga Hirgeliyo Xaafada Ceel-gooni Ee Magallada Burco:Biriishkan Ayaa Isna Ka Mid Aha Mashaariicda Lagu Ansixiyay Miisaniyad Sanadeedkii 2014 Ee La Doonayay In Dhiso Waxaan Loo Ansixiyay Lacag Qadarkeedu Dhan Yahay 28.000 Oo Dollor. Sida Aynu Hore Uu Soo Tibaaxnay Mashruucana Ayaa Ka Mid Noqonyaa Mashaariicda Aan Ilaa Imika Aan Fulin Iyadoo Laga Joogo Imika Muddo Ku Siman Sanad Iyo Badh , Waxaan Sidii Cadaad Uu Ahayd Uu Maayirku Habeen Iyo Maalin Cadba Uu Dhac Iyo Boob Ba’an Uu Gaystay Lacagaha Loogu Talla Galay In Lagu Fuliyo Mashaariic Horumarineed Oo Laga Sameeyo Gobolka Togdheer.

3.      Waddada Urura Tarmac Oo Iyana Ka Mid Ah Waddooyinka Loogu Tala Galay In Ay Fulaan Sanadkii 2014 Laguna Ansixiyay Miisaniyadii 2014 , Waxaan Loo Qoondeeyay Lacag Dhan 50.000 Oo Dollor, Waddana Ayaa Noqotay Mid Aan Fulin Oo Gebi Ahaanba An La Dhisin Iyadoo Farta Laga Saaray Lacagtii Lagu Dhisi Laha Waddad Maayir Ina Muraad Waxaana Fajiciso Noqotay In Maayirku Haba Yaraate Aanu Wax Shaqo Ah Ka Qaban Waddadan Waxaan La Garan Wayay Halka Ay Lacagtu Ku Danbaysay  ,Waan Tusaalle Kale Oo Muujinayaa Musuq-Maasuqa Uu Maayir Ina Muraad Ku Kacay.

Waxayna Habacsanaan badan Iyo Walibaa Karti Darro Ay Ka Muuqata Sida Uu Maayir  Ina Muraad Hadh Cad Uu Cunaayo Lacagta Shacabka Iyadoo Waliba Lacagtan Uu Maayirku Si Fudud Uu Qaadanaayo Laga Soo Uruuriyay Hooyooyinkaa Maalintii Oo Dhan Bacadka Fadhiya Si Ay Ugu Ganacsadaan.

4.      Waddad Dhinac Marta Dawlada Hoose: Oo Waddo Kale Oo Iyaduna Ka Mid Ah Waddooyinkaa loogu Talla Galay In Ay Fulaan 2014 Laguna Ansixiyay Miisaniyadii 2014, Wali Aan Wax Shaqo Ah Laga Qaban Iaydoo Lacagta Loogu Talla Galayana Ay Dhan Tahay Qadar Lacageed Oo Ah 80.000 Oo Dollor

Waan Mashruucii Lixaad Ee Aan Fulin  2014 Iyadoo Loo Dhamauys Tiray Dhamaan Lacagihii Loogu Talla Galay In Mid Walba Lagu Fuliyo Waan Nasiib Darro Wayn Oo Haysta Maayirka Gobolka Togdheer Oo Tahli Wayay In Uu Hal Qodob Ka Fuliyo Sanad Miisaaniyeedkii 2014  La Ansixiyay.

Waxayna Ceeb Iyo Fadeexad Musuq-Maasuq Dul Hoganaysaa Maayir Ina Muraad Oo Lagu Tilmaamo Shaqsi Aan Aqoon Sida Shacabka Doortay Wax Loogu Soo Celiyo Iyadoo Taa Badelkeeda Uu Aad Ugu Xariifsan Yahay In Mar walba Shacabka Wax Ka Sii Qaado Uun Isagoo Taa Ugu Daray Maamul Xumo .

5.      Drainage Loogu Talla Galay In Biyuhu Ka Daadagaan Oo Loo Sameeyo Waddooyinka Magallada:

Biyaha Ayaa Caqab Balaadhan Ku Haya Magallada Dhexdeeda Iyagoo Samaysta Meello Ay Fadhiista Inta Badan Marka Uu Roobku Ka Da’o Gobolka Togdheer.

Biyaha Fadhiista Ayaa Sabab Nadaafad Darro Iyo Waliba Xanuuno Ay Sababaan Biyaa Fadhiista Magallada Dhexdeeda , Mararka Qaarna Waxa Ay Sababaan In Ay Xanibaan Isu Socodka Gaadiidka.

Iyadoo Laga Duulaayo Qodobaa Kor Ku Xusan Ayaa Loo Ansixiyay Lacag Dhan 90.000 Oo DollorTaas Oo Loogu Talla Galay In Loo Sameeyo Magallada Drainage  Hadaba Dedaalkan Ayaa Noqtay Gebi Ahaanba Mid Fashilma Ka Dib Markii Uu Maayir Ina Muraad Uu Fulin Wayay .

Isagoo Aan Ilaa Imika Cadayn Halka Ay Ku Baxday Lacagta Loogu Talla Galay In Lagu Dhiso Drainage ka Waxayna Ila Uu Dhow Tibaaxayaan In Maayirkuu Uu Si Khaas Ah Ama Shakhsiyan Ah Uu Isticmaalayay Lacagtan .

Abdizamad Hassan Ahmed

+252634337516/0659113994

Somaliland/Burco

 

 

La Soco Qaybaha Danbe…………………………………………

News Related